Somaliland oo Markii ugu horreysay rejaynaysa in Dhuxul-dhagax ay Caalamka u iib-geyso dalkeeda laga soo saaro

Hargeysa (SLpost)-  Dawladda Shiinaha, ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay Marti-qaad rasmi ah u fidiso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo isaga iyo Masuuliyiin Wasaaraddiisa ka tirsani safar muddo qaatay shalay kaga soo laabtay dalka China oo ay kula soo kulmeen Shirkado dhinaca Khayraadka dabeeciga ah ka shaqeeya oo dalkaas laga leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Macadanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Macdanta, ayaa shalay ka soo laabtay Socdaal toddobaad qaatay oo ay ku tageen dalka China, kaasoo uu Wasiirku ku sheegay inuu yahay Safar taariikhiya oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Masuuliyiin Wasaaradda Macdanta ka socdaa ku tagaan waddankaas.

50Wasiirka oo markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Warbaahinta warbixin ka siiyey safarkooda, ayaa sheegay inuu safarkani noqonayo mid faa’iido badan u leh dalka iyo dadka Somaliland, isla markaana ay dalka iman doonaan Shirkado kala duwan oo waddanka China laga leeyahay, kuwaasoo baadhis iyo sahamin Cirka iyo Dhulka ah oo lagu ogaanayo guud ahaan noocyada Macdanta iyo Khayraadka dalka Somaliland ku jira iyo kuwo Dhuxul-dhagax ka soo saari doona Somaliland haddiiba ay ku jirto dhulkeenna.

“Muddo toddobaad ah ayaannu dalkaa China ku maqnayn, Socdaalkani waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee Wasaaradda Macdantu ku tegto waddanka China, waxaa igu weheliyey socdaalkan China Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Macdanta, muhiimadda uu socdaalkani xambaarsanaa ayaa sababtay inaannu saddexdayadu isku raacno, taasoo aannu marti-qaad ka helnay Shirkad dalka noogu timi bishii hore oo danaynaysa inay iskaashi iyo wax la qabasho ay dalka la gasho. Albaabbo badan oo muhiim ah ayuu socdaalkayagani furay oo ahaa dal aanay macaamilaad rasmi ah ama iskaashi aanu inna dhex marin, ayaannu ku faraxsannay inaannu kala soo noqonnay dalkaas oo ah dal wayn oo awood leh oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha adduunka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Safarkooda ka hadlay.

Wasiirku waxa uu sheegay intay hurdaan mooyaane inay waqtigooda inta badan shaqo ku jireen, shaqadaas oo uu sheegay inay isugu jirtay shirar iyo wadahadallo dhex-marayey Shirkado kala duwan oo dhinaca Ganacsiga ah iyo booqashada gobollada iyo magaalooyinka waddanka Shiinaha, isaga oo Wasiirku xusay inay soo mareen gobollada Khayraadka dhinaca dabeeciga ah iyo wax-soo-saarka ugu badan waddanka China.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka hadlaya Sahamin uu sheegay in guud ahaan dhulka Somaliland ay Shirkad China laga leeyahay ku samaynayso khayraadkiisa, waxa uu yidhi; “Waxaa ugu horreeya runtii oo aan halkan idiinka sheegayaa inay si rasmi ah Shirkadda na casuuntay ee halkan innoogu timi bishii hore ay noo ballan-qaadday inay Macdan-baadh ka samayso Somaliland inay oofinayso, Macdan-baadhkaas oo yeelanaya dhawr weji. Wejiga ugu horreeyaana waxa uu noqonayaa Macdanta lagu baadhayo Qabar-sanaaciga oo Qabar-sanaaciyada Chinuhu leeyahay iyagoo adeegsanaya inay dalkeennu intuu leeg yahay innoogu baadhayaan Macdanta iyo Khayraadka dalkeenna ku jira, si aynu u fahanno waxay kala yihiin iyo meelahay ku kala jiraan.”

Waxa uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Taasi markay dhammaato waxaa la sii daba-galayaa Macluumaadkaas oo ay keenaan Ijinneerro iyo Khoboro dalka soo degaya oo baadhitaan dhulka ah oo dhammaystiran samaynaya iyagoo xiganaya Macluumaadkii Qabar-sanaacigu uu keenay inay sii xaqiijiyaan oo aynu mar keliya ogaanno oo macluumaad ka hayn karno wixii khayraad ah ee dalkeenna ku jira.”

Mar uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu ka hadlayey Shirkaddaas oo uu sheegay inay Somaliland kala shaqaynto Dhuxul-dhagaxda, waxa uu yidhi; “Waxaannu runtii aad iyo aad muhiimadda u saarnay sidii aannu wadahadalka Shirkaddan hore ugu furnay inay nagala shaqayso Dhuxul-dhagax dalkeenna aannu filaynay inay ku jirto oo muddo dheer ay Wasaaraddu ku hawlanayd sidii aynu Macdanta Dhuxul-dhagaxa ula soo bixi lahayn inaynu maanta helnay Shirkaddii wax innooga qaban lahayd.”

“Shirkaddaas oo ah Shirkad takhakhuskeedu yahay soo saarista Dhuxul-dhagaxda iyo ka dhalinta Korontada ee dhuxul-dhagaxda. Waxaanay Fursad noo siisay Shirkaddaasi gobolka ay ka qoddo dhuxul-dhagaxda ee dalka China oo aannu Vedio ka soo duubnay oo aannu Saxaafadda ku faafin doonno, waxa kale oo ay na geysay mid ka mid ah Wershadaha ay leedahay ee ku shaqeeya Dhuxul-dhagaxda ee Korontada ka dhaliya. Waxaan filayaa Insha Allaahu Dhuxushaasi marka ay soo baxdo inay Shirkaddaasi heshiis la geli doonto dawladda Somaliland sidaynu koronto uga dhashan lahayn Dhuxul-dhagaxda dhulkeenna ku jirta.” Sidaa ayuu yidih Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Waxaanu Wasiir Ducaale oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo aannu isla qaadannay inay sifayso oo suntan ka saarto dhuxushaasi markay soo baxdo oo aynu wax ku karsan karno si aynu dhirteenna u badbaadinno iyo inaynu u dhoofinno dibedaha si aynu lacag adag uga helno. Haddii markaa Baadhitaannadaa Qabar-sanaaciga iyo ka Farsama-yaqaannadu samayn doonaan dhammaadaan oo la xaqiijiyo in dalkeenna Macdano laga faa’iidaysan karaa ku jirinaan, waxay Shirkaddaasi diyaar u tahay inay dawladda Somaliland heshiis la gasho ah sidii loo soo saari lahaa Macdantaas.”

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland waxa uu sheegay intii ay Shiinaha ku sugnaayeen inay kulammo la yeesheen Shirkado dhinacyada Saliidda iyo Shiidaalka ka shaqeeya oo uu xusay inay rejaynayaan inay xidhiidh arrimahaa ku saabsan wada yeeshaan Somaliland. Waxaanu intaa ku sii ladhay Wasiirku inay Shirkadda Marti-qaadka u fidisay ee Dhuxul-dhagaxda ka shaqaysaa ay u ballan-qaadday inay Xafiiis dhinaca isku-xidhka Ganacsiga China iyo Somaliland ah inay ka furto waddankooda Shiinaha, kaasoo uu xusay inuu wax badan oo isku-xidhnaanta ah fududayn doono.

Mar uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu uu ka hadlayey Marti-qaad ay Shirkaddaasi u ballan-qaadday inay dawladda Shiinaha uga dhammayn doonaan Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Waxa kale oo ay diyaar u yihiin oo ay Mustaqbalka ka shaqayn doonaan oo ay noo ballan-qaadeen inay diyaar-gareeyaan Marti-qaad rasmi ah oo Madaxweynuhu dalka China markii ugu horreysay ku tegi karo, kaasoo ay ku ballan-qaadeen inay ka shaqayn doonaan oo uu suuragal noqdo mustaqbalka dhaw in Madaxweynuhu marti-qaad rasmi ah dalka Shiinaha ku tago.”

Wasiirku waxa uu sheegay inaanay hadal iyo huu-haa ahayn wadahadalka iyo ballan-qaadyada ay u samaysay Shirkadda Dhuxul-dhagaxda ka shaqaynaysa ee laga leeyahay dalka Shiinaha, isla markaana waxa uu xusay inay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabi doonto shirkaddaasi shaqadeeda.