Somaliland oo Markii u horreysay Albaabada u Laabtay Jaamacad Buuxin weyday Shuruudihii looga Baahnaa

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo muddo ku hawlanayd qiimaynta Jaamacadaha dalka ka furan isla markaana Jaamacaddii buuxin weyda shuruudahaas aanay dalka ka hawl-gali doonin, taas oo looga dan leeyahay si loo xakameeyo tayada aqoonta ay bixinayaan.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka warbixisay natiijada ka soo baxday qiimeyntaas, iyada oo daboolka ka qaadday jaamacaddii ugu horreysay ee Shuruudaha looga baahnaa fulin weyday oo Albaabada loo laabay, taas oo noqotay Jaamacadda Fairland oo ku taala magaalada Hargeysa.

Samsam Cabdi AadanMarwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay xustay in Jaamacadan oo ay wax ka barteen dhalinyaro badan ay buuxin weyday waxyaabihii looga baahnaa, isla markaana ay noqotay in la xidho, isla markaana ardaydii wax ka baranaysaay loo wareejin doono Jaamacad kale si aanay u niyad-jebin.

Wasiirku waxa ay sheegtay inay dalka ka jiraan jaamacado tayada waxbarashadoodu sarreyso isla markaana ka baajiyey da’ yarta dalka inay waxbarasho u doontaan dalalka debedaha isla markaana ay qayb-qaateen waxyaabaha dhalinyarada duufsada ee mustaqbalkooda lumiya.

SOMALILANDPOST.NET