Somaliland oo markii u horeysay lagu qabanayo Shirweyne lagu soo Bandhigayo Adeegyada Caafimaadka iyo Cidda ka Qayb-galaysa

 

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Md Cumar Cali Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi Bade, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dhawaan qabanayaan Shirweyne Qaran oo lagu lafa-guri doono Arrimaha Caafimaadka, kaas oo ay bar-bar socoto Carwo dhinaca caafimaadka ah oo lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee dalka ka jira.

Shirweynaha Caafimaad oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka muddadii Somaliland jirtay, waxa u Wasiirka Horumarinta Caafimaadku sheegay inay wasaarad ahaan soo qaban-qaabiyeen diyaarinta Carwadii ugu horeysay Caafimaad oo kulminaysa Mihnadleyaasha Caafimaadka, Goobaha adeegyada Caafimaad u qabta bulshada, hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera kalana shaqeeya dhinaca Caafimaadka. 

Shirweynaha Caafimaad ee Caafimaad oo masuuliyada qaban-qaabadiisa gacanta ku hayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kaashanaysa urur Caafimaad oo dalka ka hawl-gala, ayaa loo muddeyey inuu 16-ka Bisha November ee sannadkan ka furmo Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ka socon doono muddo Shan maalmood ah, waxaanu wasiirku sheegay in lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan daneyaayaasha iyo mihnadleyda dalka kaga shaqeysata.

“Maanta waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa shirweynaha iyo bandhigga caafimaadka Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Caafimaadku, una qorsheysan in la qabto muddada u dhaxaysa 16-ka ilaa 20-ka bisha 11aad 2019-ka. Wasaaradda Caafimaadku iyadoo kaashanaysa Ururka Somaliland Medical Forum, waxay qaban-qaabinaysaa shirweyne Caafimaad oo loogu talo-galay in lagu lafo-guro Arrimo badan oo caafimaadka la xidhiidha oo ay ugu horeyso Caafimaadka hooyada iyo Dhallaanka iyo sidoo kale Xeerka adeeg-bixinta iyo tayada adeegga ay bixiyaan cusbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay,” Sidaas waxa yidhi Wasiir Cumar Cali Cabdilaahi Bade oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Ujeeddooyinka kale ee Shirku Xambaarsan yahay iyo Faahfaahinno kale oo Wasiirku ka bixiyey Shirweynaha Caafimaad, kaga bogo oo ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com