Somaliland oo Mar kale jawaab ka bixisay Warbixin Xaasaasi ah oo looga Gudbiyey Qaramada Midoobay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Jawaab ka bixiyey warbixin ku eedaysay inay cabudhiyo xoriyatul-qawlka iyo axaasabta mucaaradka ah ee dalkeeda, taasoo uu Ergayga Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, uu u gudbiyey Golaha Ammaanka Qaramada, waxaanay Xukuumaddu ku doodday inaanay eedayntaasi ahayn mid dheeli-tiran oo xaqiiqada ka hadlaysa,.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalka Nicholas Kay ku sheegay in xubno Mucaaradka ka tirsan la xidhay.

Wasiir-ku-xigeenka oo arrintan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Nickals Kay, hadalka uu yidhi, waa hadalkii uu ka jeediyay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, war-bixintiisana waxa uu kaga hadlay xafiiskiisa UNSOM oo aan ilaa hadda ka furnayn (Somaliland), taasi oo sababtii aanu u diidnayna ahayd mid cad, maadaama oo aanu xafiiskiisu ka shaqeynayn waxyaabaha aynu innagu doonayno ee uu ku shaqeynayo lixda qodob ee dawladda Soomaaliya ku shaqeynayso, taasi waynu diidnay.”

wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda somaliland MawliidWasiir Ku-xigeen Karraani waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Laakiin, waxaynu oggolaannay dhinaca caawimada, sida UNDP, UNICEF iyo wixii kale ee hay’addo UN ah jooga ee horumarka inagala shaqeynaya oo isaga hoos yimaada, ayaynu ogollaanay inay sidoodii caadiga ahayd.”

“Hadalka Nickolas Kay ku sheegay War-bixintiisa ee ahayd in qaar ka mid ah Mucaaradka (Somaliland) dalka lagu xidhay, wax ka jiraa ma jiraan, intii xukuumaddani jirtayna qof Mucaarad ah la xidhay oo jeelka loo gudbiyey may dhicin, waayo waxaynu qaadanay habka dimuqraadiyadda oo aan ka noqosho lahayn, waxaanan u soo jeedinayaa in Nickals kay uu iska hubiyo marka war-bixintaas oo kale loo soo gudbiyo oo uu iska xaqiijiyo,” ayuu hadalkiisa intaas raaciyey Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda Somaliland.

Wasiir Ku-xigeenka oo la weydiiyay waxa uu ka odhanayo warar sheegaya in sababta Safarada Wasiirka arrimaha dibaddu ugu baxo dalalka dibadda isaga oo ay weheliyaan wasiirro kale ay tahay shaqada oo wasiirka ku cuslaatay, ayaa ku jawaabay, “Wax ka jiraa ma jiraan inay ku cuslaatay Wasaaraddii arrimaha dibaddu, Wasiir Maxamed Biixi-na waa wasiir weyn oo da’diisa iyo waayo-aragnimadiisuba u saamaxayaan wax badan oo adduunka ka jira, markaa wax culays ah oo shaqada ka haystaa ma jiraan.”

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya oo madax ka ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo UNSOM Nicholas Kay, ayaa toddobaadkii hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin uu ka jeediyey ku daray inay Xukuumadda Somaliland culays ku hayso Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, isla markaana ay jiraan Xubno Mucaaridka ka tirsan oo ay Xukuumaddu xidhay.

Hadalkan Wasiir Ku-xigeenku ayaa noqonaya jawaabtii labaad Xukuumadda Somaliland ka bixiso warbixintaas, waxaana hore arrintan uga hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde.

SOMALILANDPOST.NET