Somaliland Oo Mamnuucday Xayaysiinta Dhakhaatiirta

(SL.Post) Hay’adda mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland ayaa soo saartay awaamiir ay ku mamnuucday xayaysiinta warbaahinta laga sii daayo ee dhakhaatiirta, cisbitaallada, iyo rugaha caafimaadka.

Dr Axmed Xaashi Oday Guddoomiyaha hay’addaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay amaradaasi oo ku tilmaamay kuwo lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha.

Wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo ugu horeyn weydiiyay waxa ku kallifay tallabadan, wuxuu yidhi “Waxa nagu kelifay markaanu aragnay qof waliba wuxuu doono inuu sheeganayo oo dhakhtar uu leeyahay 10 cudur ayaan wada aqaanaa oo waxyaabo mamnuuc ah dhakhaatiir ahaan  in idaacadaha laga sii daayo ayaanu go’aan wada gaadhnay anaga iyo wasaaradda caafimaadka oo ah xayaysiis dambe inaanu jiri doonin, ciddii dhakhtar dibadda ka keenaysanaysaa marka loo sharciyeeyo halkiisa waa la yaqaanaa cisbitaalkaas, laakiin Dr. hebel ayaa waxaas iyo waxaas ka shaqaynaya waa la joojiyay waana mamnuuc.”

Mar la weydiiyay inay warbaahintu la qaadatay in la joojiyo xayaysiiska dhakhaatiirka wuxuu yidhi “Runtii intooda badani way nala qaadatay, laakin digniinta aan warbaahinta u sheegayaa waxa weeye, dhakhtarkan aad xayaysiinayso lacag yar oo la idin siinayo umadiina ha ku iibsanina in badan oo horena waanu u sheegnay oo xataa  soo weydii hay’adda caafimaadka oo miyaad liisan ka sidataa xataa hadduu Haa ku yidhaahdo ayaanay ahayn in la xayaysiiyo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa la weydiiyay inay ogolaansho xayaysiis siin karaan dhakhtarka shuruudaha buuxiya, wuxuu yidhi “Runtii annagu horta xayaysiiskaba waanu mamnuucnay, waxaanan u ogolaan karnaa haddii la yidhaahdo oo keliya Dr. Hebel ayaa yimid oo cibsitaalkaas fadhiisanaya, laakiin kan iyo kan ayuu yaqaanaa waxaas looma baahna oo waanu joojinay.”

Isagoo ka hadlaya halka ay diiwaangelinta goobaha caafimaad u marayso wuxuu yidhi “Had iyo goor meelaha gaarka loo leeyahay ayaa dawladda ka horeeyay markaas iyadoo meel walba la furay ayaynu xeerkii iyo sharcigii samaynay oo sharcigii ayaa daba socda halkii ay ka ahayd inuu sharcigu horeeyo,markaas meel fiican ayay noo maraysaa hadda meelaha caafimaadkana meel aan warkayagu oolin ma jirto, meel aan dhakhaatiirta aan qaar naga diiwaangashanayn ma jirto meelaha kalena imika ayaanu wadnaa.”

Wuxuu Dr. Axmed Xaashi ugu dambayn dadka reer Somaliland ugu baaqay inay iska hubsadaan goobaha caafimaad ee ay tagayaan islamarkaana aaminaan dhakhaatiirta waddaniga ah “Waxaan leeyahay dadka meeshaad tagaysaan iska hubsada.” ayuu yidhi.

 

Somalilandpost.net