Somaliland oo Maamul-gobaleedka Puntland ku wareejisay Nin Fal-dambiyeed ka Geystay Garoowe

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta Maamul-goboleedka Puntland ee Somalia si rasmi ah ugu wareejisay eedaysane ka tirsane Wax ka maleegay dilkii Marxuum Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dhulka Soomaalidu degto.

Sheekha ayaa Masjidka Al-Badr ee badhtamaha magaalada Garowe lagu diley 15-kii Bishii hore xilli uu tukanayey Salaada Casar.

Ninkan oo Ciidamada Ammaanka gobolka Sool gacanta ku dhigeen markii uu firxad ku soo galay gudaha Somaliland maalmo ka dib hawl-galka lagu khaarajiyey Sheekh Gacamey, ayaa shalay lagu wareejiyey masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

ffffDhegar-qabaha ku eedaysan inuu ka qayb-qaatay dilkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Cismaan Axmed (Caynte), ayaa Maamulka iyo Ciidamada Qaranka ee gobolka Sool iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Puntland kula kala wareegeen deegaanka Gambadha ee Bariga Sool oo fadhiisin u ah Ciidanka Qaranka ee Somaliland.

Masuul ku hadlayey Afka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedka Puntland, ayaa sheegay inay faraxsan yihiin sida wacan ee Xukuumadda Somaliland uga qayb qaadatay qabashada gacan ku dhiiglayaashii gaystay Dilka waddaadka, “Waxa aad ugu mahad-celinayaa dhammaan Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland oo si wacan oo Islaanimo ah uga qayb qaadatay dadkii gacan ku dhig layaasha ahaa ee waddaadkii Dilay, kuwaas oo ku kacay dil fawaash-xumo ah oo ku xun Islaanimadeena, markaa waxa wacan in Bulshada kala duwan ee Gobaladan ku nool ay iska kashadaan xagga ammaankooda oo labada dhinacba dan u ah,”ayuu yidhi Masuul ku hadlayey Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Puntland.

Ninkan lagu wareejiyey maamulka Puntland, ayaa la sheegay in maanta subaxnimadii laga qaaday  magaalada Laascaanood oo uu ku xidhnaa tan iyo wakhtigii la qabtay oo uu firxad ku soo galay magaaladaas.

Somalilandpost.net