Somaliland oo lala xidhiidhiyey kaalin ay ku leedahay dagaalka ka socda Yemen iyo Qorshaha iskaashi dhexmaray Sucuudiga iyo Israa’iil

Moscow(SLpost)- Khabiir ka faallooaad Siyaasadda Caalamka oo lagu magacaabo Mr. Thierry Meyssan, ayaa sheegay in iskaashi dhexmaray Sacuudiga iyo Yuhuudu ka dambeeyo hawlgaladda ciidamada huwantu ka wadaan dalka Yemen, isla markaana Somaliland qeyb ka tahay.

Mr. Meyssan oo ah khabiir la faalooda siyaasadaha caalamka ayaa wareysi uu la yeeshay wargeyska Geopolitika ee ka soo baxa dalka Ruushka ku sheegay in qaar ka mid ah khubarada hawlgalka ciidamada Carabta ee dagaalka ka wada dalka Yemen ku sugan yihiin gudaha Somaliland.

Wareysi dhinacyo badan oo wargeyska Geopolitika la yeeshay Mr. Meyssen oo lagu weydiiyey iskaashi uu sheegay inuu dhexmaray dalalka Sucuudiga iyo Yuhuudda, waxa uu ku saabsan yahay iyo halka danaha labadan waddan ee colaada weyni u dhexeyso ku kulmayaan, wuxuu ku jawaabay, “Yuhuudda iyo Sacuudigu xilligan ma aha kuwo colaadi u dhexeyso, balse iskaashi ciidan ayaa u dhexeeya oo ku aaddan weerarada dalka Yemen. Khubarada hawlgalka iskaashiga waddamada Carabtu ma joogaan caasimada Sacuudiga ee Riyaad, balse waxay joogaan Hargeysa oo ah magaalo-madaxda Somaliland oo aan aqoonsiga ka haysan Adduunka.

Diyaaradaha duqeynta sameeya ee Sacuudiga duuliyeeshoodu waa Yuhuud, xitaa Yuhuudu waxay siiyeen hub inbadan oo shacabka Yemen ku dhinteen, halka beesha caalamku iska dhega-tirayso dhibaatadooda,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray oo yidhi, “Qorshaha amaanka ee Madaweyne Obama, ku saabsan Yuhuuda, markuu bilaabo ka saarida ciidamadiisa barriga dhexe una wareejiyo Aasiyada fog, waxuu xaqiijinayaa in la helo ciidamo wadajir Carab ahoo Jaamacada Carabtu hogaamiso, laakiin, hogaankoodu noqdo Yuhuud.”

“Iskaashiga dhexmaray Tele Aviv iyo Riyadh wuu sii waari doona ilaa qarniga soo socda, iyagoo dheefsanaya ceelasha saliida Rub ‘al Khali, ee ku yaal dalka Yemen iyo deegaamada Ogaadeen ee Itoobiya. Sidoo kale shirkada Bin Laden ayaa ka dhisi doonta biriij gacanka baabal Mandab oo isku xidha Jabuuti iyo Yemen,” ayuu yidhi Sarkaalkani.

Haddaba In kasta oo khabiirkani ku dooday in saraakiisha hoggaamiya hawl-gallada Isbahaysiga Sucuudigu ka wadaan dalka Yemen, hadana ma jiraan warar xaqiijinaya inay Somaliland joogaan, xukuumadda Somaliland-na marna kama hadal arrintaas.

Xigasho Himilomedia