Somaliland oo lagu martiqaaday Shirka Wasiirrada Tamarta ee Afrika iyo Xog-warranka Qorsheyaasha Eng Xuseen Cabdi Ducaale

Eng. Xuseen DucaaleJohannesburg (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa ka qeybgeli doonta markii koowaad kulanka wasiirada Tamarta ee dalalka Qaaradda Afrika oo la filyo inuu 03 ilaa 06 bisha February ku qabsoomo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo u warramay jariiradda Mining Weekly, ayaa ka hadlay faa’iidada Somaliland ugu jirta kulankaas iyo rejada ay ka filayaan ka qayb-galkiisa.

“Kulankanni waxa uu u saamaxayaa Somaliland fursad ay ku soo bandhigto qaniimada macdanta dalka, kuna soo jiidato maalgashedayaal caalamka ah,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo la hadlay Mining Weekly.

Wasiirka Macdanta ee dalka Koonfur Afrika Susan Shabangu, ayaa wasiirka Macdanta Somaliland ku marti-qaadday Shirkan xilli ay bishii Siddeedaad ee sannadkii hore ku sugnaayeen Shir caalami ah oo ku qabsoomay magaalada Perth ee dalka Ustareeliya oo ku kulmeen.

“Somaliland waxay ku soo dhaqmaysay nidaam dimoqraadi xasiloon 22 sannadood laga soo gudabay, waxaanay hiigsanaysaa horumar. Waxaan qaadanay siyaasad furan oo ku saabsan maalgashiga macdanta ee dalkayaga,” ayuu sheegay Ducaale, isagoo raaciyey, “inkastoo aanu ka jirin hawlo ganacsi macdaneed oo waaweyn, Somaliland waa dal dihin oo sugaya maalgashiga shirakadaha macdanta.”

Wasiirka Macdanta Somaliland ayaa tilmaamay in dalkiisu ka nabadgelyo fiican yahay, marka loo eego qeybaha kale Geeska Afrika.

“Xukuumadu waxay u ballanqaadaysaa shuruudo soo jiidasho leh shirkada maalgashi macdaneed danaynaya. Inta badan qeybaha macdanta waxay ku dherersan yihii xeebaha, taasoo helitaankoodu markiiba suuq helayo, maadama shirkadahu fursad u helayaan adeegyada dekeda,”ayuu wasiirku u sheegay jariiraddaas.

Sidoo kale, waxuu sheegay in dekeda Berbera ku dhow yihiin Keydad ay buuxaan macdanaha Yuraaryam, Baltinam, Dahab, Maar, Bir, Dhuxul-dhagax iyo qaar kale oo badan, taasina ay suurto-galinayso inay  Dekedduna faa’iido dheeri ah u yeelato inay ku xidhmaan khadadka maraakiibta adduunka.

Shirkan ay yeelanayaan wasiirrada Macdanta Afrika oo lagu magacaabo INDABA, ayuu Wasiirka Macdantu sheegay inuu ka jeedin doono Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan fursadaha macdanta Somaliland.

“Dhismaha dhulka iyo tilmaamaha macdantu waxay iftiiminayaan helitaanka iyo horumarinta qeybo badan oo macdanaha birta ah. Dhowaan sahamin la sameeyey waxay cadeysay in Somaliland leedahay keydad badan oo macdanaha birta, Manganese, Platinum iyo lakabyo dahab ah,”ayuu yidhi Wasiirku, isaga intaas ku daray, “Khudbadaydu waxay ku wajahnaan doontaa maalgashedayaasha, hay’adaha lacagaha iyo shirkadaha baadha macdanaha ee Afrika iyo caalamka. Sidoo kalena, saamilayda shirkadaha waxaan u iftiimin doonaa fursadaha badan ee ka jira Somaliland.

Sahaminta macdanaha iyo soo saarkooda Somaliland waxay kaabi doontaa guulahii macdanaha Afrika ee hore,” ayuu yidhi Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET