Somaliland Oo Laga Xusay 55-guurada 26 June

Hargeysa, (SLpost)_ Munaasabad lagu xusayay 55 guuradii ka soo wareegtay maalintii xoriyada ay ka qaadatay Somaliland gumaystihii Ingiriiska 26-June-1960kii ayaa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo goobjoog ka ahaa.Silaanyo
munaasabadan ayaa waxa isugu yimid odayaal iyo masuuliyiintii wakhtigii ay Somaliland qaadatay Xornimada kala wareegay Boqortooyadii Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa DC-gii ama Gudomiyihii wakhtigaasi lagu wareejiyey xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole), Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe), Maxamuud Aadan Dheri, Saxardiid Raage oo dhamaantood ka waramay qiimihii xornimadu lahayd, Dareenkii, xamaasadii iyo sidii loogu wareejiyey Somaliland.

Sidoo kale waxa xafladan ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali , Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay munaasabada ayaa hanbalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland.
Axmed Siilaanyo madaxweynaha Somaliland ayaa ka sheekeeyay halgankii kala danbeeyay ee loo soo maraya xoriyada iyo dadaalka maanta lagu doonayo in beesha caalamku citiraafaan Somaliland.

Siilaanyoo Siiilaanyo Siilaanyo