Somaliland oo kaalin Dhex-dhexaad ah ka gashay Qiimayn Caalami ah oo natiijadeeda la shaaciyey

Washington (SLpost)- Ururka Freedom House oo ah urur sannadka kasta cilmi-baadhis ku sameeya, waxna ka qora ku dhaqanka Xoriyadda iyo Dimuqraadiyadda ee dalalka Aduunka, ayaa war-bixin sannadeedkoda 2014 ku soo bandhigay xogo cusub ee iftiiminaya sida ay waddamada ugu kala horreeyaan.

qiimaynXogahan oo ku qotoma cilmi-baadhis ay sameeyeen sannadkii tagay, ayaa lagu soo bandhigay sida ay wadamada caalamku ku kala yahiin ku dhaqanka xoriyatul qawlka, Dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ay daabaceen ururka Freedom House , ayaa ka koobnaa qoraal iyo Khariidadda aduunka oo ay ku kala xadaysan tahay saddex  hormo oo mid walbaa heerkeeda tilmaamayso.

1-  Kuwa kaalinta koowaad kaga jira , ilaalinta xoriyada (Full Freedom)

2-  Kuwo dhexdhexaad ku ah ilaalinta xuquuqda iyo Xorriyadda  (Partly Freedom)

3- Iyo qayb aanay xoriyadiba ka jirin (No Freedom)

Khariirada ayaa Somaliland,  ku dartay qaybta kaalinta dhexdhexaadka ah kaga jirta, ilaalinta iyo ku dhaqanka xoriyadda.

Warbixinta ayaa Aduunka u qaybisay Sidan:-
– Xorriyad dhammaystiran, 88 wadan (45%) , wadamadaasna waxa kamid ah :-  USA, Canada, Europe, iyo Australia.
– Dhex-dhexaad, 59 waddan ( 30%) , Wadamada qayb ahaan xoriyada ahna waxa kamid ah Somaliland, Pakistan, Libya, Nigeria, Turkey, Mexico, Ukrain iyo qaar kale.
– Aanay Xorriyadi ka jirin;  Waa wadamadda sida warbixinta ku xusan lagu tilmaamay in la haysto, waxaanay ka kooban yihiin  48 waddan (25%) waxaanay kala yihiin  Somalia, Sudan, Egypt,  Ethiopia, Eritrea, South Sudan iyo dhamaan wadamada badhtamaha Africa ku yaal iyo Ruushka.

MAAPKAUrurka Freedom House ayaa ah urur madax-bannaan oo xaruntiisu tahay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, waxaanu qiimayn iyo daraasadayn ku sameeyaa sida ay dalalka adduunka ugu kala horreeyaan ku dhaqanka xoriyadda, Dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha.

HALKAN KA ROGO MAABKA OO DHAMMAYSTIRAN

 

Xigasho: Wargeyska HIMILO