Somaliland oo ka Jawaabtay Hadal Ka soo Yeedhay Kooxaha Soomaaliya

 

Muqdisho(SLpost) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeedhay Somalia oo ku aaddan sidii doorashada Soomaaliya ay uga qayb gali lahayd Somaliland. Wasiirka arimaha dibadda JSL ayaa tilmaamay in aannay Somaliland shaqo ku lahayn arrintaasi.

 

“Warka ka soo baxay Muqdisho waxba kama jiraan. Somaliland-na waa dal madaxbanaan oo muddo 25 sanno ah ka maqnayd oo aan shaqo ku lahayn dalkaas Somalia. Labada wadan ee Somaliland iyo Somalia waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidii ay u kala tagi lahaayeen,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland

 

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Doorashooyinka Somaliland waxay dhacayaan sanadka 2017-ka, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya doorashooyinka Somaliland iyo Somalia. Sidaas darteed beesha caalamku way ogsoon tahay in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia.”

 

Hadalkan uu wasiirku ka jawaabayo ayaa ka soo yeedhay shir ay Dawladda Soomaaliya iyo Kooxaheedu ku yeesheen Muqdisho oo lagaga arrinsanayey doorasho aan shacabku codaynayn oo sanadka soo socota ka dhacda dalka Somalia. War-murtiyeed ka soo baxay kullankaas ayuu qodobkiisa lixaad sheegayey in loo baahan yahay in ay bulshada Somaliland wadatashiga ka qayb gasho. (Warka Qodobkaa Ka akhriso Halkan Somalilandpost: https://www.somalilandpost.net/?p=46744 )

 

Somaliland waxa ka dhacay 5 doorasho oo xor iyo xallaal ah oo bulshadu ku codaysay nidaamka “hal qof hal cod” (1 Man 1 vote), halka Soomaaliyana ay qabsanayso nooca doorashada ay Somaliland ka soo gudubtay ku dhawaad 20 sano ka hor (1997).

 

 

Somalilandpost, 2015