Somaliland oo ka hadashay Xaaladda Maxbuus Sirdoonka Jabuuti ka tirsan oo ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Xaaladda Caafimaaad ee Maxbuus u dhashay dalka Jabuuti oo muddooyinkii u dambeeyey ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeys, ka dib markii warbaahinta dalka qaarkood baahiyeen warar ka deyrinaya xaaladdiisa caafimaad oo lagu sheegay in tacaddiyo loo geystay.

xiirane_JabuutiMaxbuuskan, ayaa ah sarkaal la sheegay inuu ka tirsan Sirdoonka dalka Jabuuti oo Ciidamada Ammaanka Somaliland dhowaan ka qabteen Badhtamaha Magaalada Hargeysa, iyada oo lagu eedeyey inuu hawl-gallo basaasnimo ah ku gudo-jiray.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane, ayaa ka hadlay xaaladda Maxbuuska iyo wararka sheegaya tacaddiyo garaacis iyo jid-dil loo geystay oo la sheegay in gacanta lagaga jabiyeyh.

HALKAN KA DAAWO WARKAN