Somaliland oo Ka Hadashay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii London iyo Saamaynta Qaaddacadda Shirkaas ee Siyaasadda Khaarajiga

Maxamed Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay aragtideeda ku aaddan qodobbo ku jiray War-murtiyeed shalay laga soo saaray Shirkii London ee lagaga hadlayey taageerada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay soo dhawaynayso qodob ku jiray war-murtiyeedkaas oo lagu taageeray wada-hadallada u furmay Somaliland iyo Somalia.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta u warramay Laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa mar la weydiiyey sida ay Xukuumad ahaan u arkaan War-murtiyeedka Shirkaas ka soo baxay iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Shirkaas Waxaanu u aragnaa inuu khaas u yahay Soomaaliya, waxaanu rejaynaynaa inuu noqdo mid midho dhal noqda waxyaabihii laga wada hadlay,” ayuu yidhi Dr Cumar waxaanu intaas ku daray, “Waanu soo dhawaynaynaa qodobka 4aad ee War murtiyeedkii ku jirey, kaas oo si cad loogu taageeraayey wada-halladii Somaliland iyo Somalia.”

Wasiirka oo hadalkiisa Sii wata waxa uu yidhi, “Shirkaasi waxa uu khaas u ahaa sida la wada arkaayey arrimaha soomaaliya, mana muuqato wax saamayn ah oo uu Somaliland ku yeelanayo, balse dalka aanu walaalaha nahay waxaanu u rejaynaynaa inay arrimahooda guul ka gaadhaan.”

Maxamed Cabdilaahi
Maxamed Cabdilaahi

Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelanaynin deeqda dawlada Soomaaliya loogu yaboohay,  deeqihii dhinaca gar-gaarka ee Somaliland ay ka heli jirtay dawlada Ingiriiska, “Arrintaasi wax saamayn ah oo ay ku yeelanaysaa ma jirto, waxaananu rejaynaynaa in sidii aanu ku heshiinay dawlada Soomaaliya shirkii magaalada Ankara ee dalka Turkiga in deeqaha ay beesha caalamku bixinayaan Somaliland ay qaybteeda si toos ah deeq bixiyeyaasha ay uga helayso, ama ha noqdaan wixii shirkii shalay lagu yaboohay ama deeqaha kale ee ay dunidu bixisaba ha noqotee, sida uu muujinayay qodob ka mid ahaa qodobadii aanu Soomaaliya ku heshiinay shirkii Ankara, markaa waxaanu rejaynanaa in qaybta aanu ku leenahay wixii horumar ah in aanu deeq bixiyeyaasha ka helno.”

Wasiirka Khaarajiga oo la waydiiyay qaadacaaddii Somaliland ee shirkii London in uu dhibaato u keeni karo siyaasadda dibada Somaliland gaar ahaana xidhiidhka Ingiriiska, waxa uu sheega inaanay arrintaasi wax saamayn ah ku keeni doonin cilaaqaadka Ingiriiska iyo dalalka kale ee Caalamka, isaga oo dhanka kale soo qaaday inay dawladda Ingiriiska ka wada-hadleen Shirkaas iyo Mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay, dawladda Ingiriiskuna garowshiinyo ka bixiyey go’aanka Qaaddacaadda Somaliland ee ka-qaybgalka Shirkaas.

SOMALILANDPOST.NET