Somaliland oo ka hadashay Nooca Xidhiidhka ay Wadaagaan Soomaaliya, si adag u digtay Maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inuu meel wanaagsan marayo xidhiidhka ka dhexeeye dawladda Somaliya, isla markaana ay dhankooda ku dedaalayaan sidii ay uga dhigi lahaayeen xidhiidh labada waddan ka dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho.

Maxamed Biixi YoonisWasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay xidhiidhkooda  Somaliya uga dhigi lahaayeen mid ka dhexeeya labada waddan jaar ah, waxase uu digniin xooggan u jeediyey maamul-goboleedka Puntland oo uu u jeediyey inay ka waan-toobaan farogelin ay ku hayaan deegaannada gudaha xuduudka Somaliland, isaga oo tilmaamay inaanay Somaliland u dul-qaadan doonin xad-gudub lagu sameeyo xuduudaha Caalamku ogyahay ee Somaliland leedahay.

Md Maxamed Biixi Yoonis oo maanta u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxa kale oo uu ka hadlay safarkii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland ku soo maray gobollada Galbeedka iyo Bariga dalka oo uu ku sifeeyay inuu ahaa socdaal Madaxweynuhu ugu kuur-galayay xaaladda nololeed ee dad iyo duunyo.

“Safarkii Madaxwaynaha somaliland waxa uu ahaa safar aad u wanaagsan oo loogu kuur galayey Xaaladaha Kala duwan ee ay Ku Sugan yihiin  deegaanada uu tegay waxaana halkaas nooga muuqatay nabada somaliland ka tis qaaday safarkaasina waxa uu soo jiitay indha caalamka,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi.

Wasiirka waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xukuumaddiisa iyo xukuumadda magaalada Muqdisho, waxaanu yidhi, “Madaxwaynahu waxa uu u magacaabay afar Wasiir oo aan anigu guddoomiye u ahay, markaas cilaaqaadka Somaliland iyo dalka Soomaaliya aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay, waliba waxaanu rabnaa inaanu intaas kasii xoojino madaamo oo aanu nahay laba dal oo  jaar ah.”

Waxaa kaloo uu Wasiir Maxamed Biixi ka hadlay dhaq dhaqaaq Millatari oo  maalmihii ugu dambeeyay ka jiray deegaamo ka tirsan Bariga gobolka Sanaag, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Puntland waxay ka mid tahay Maamulka Soomaaliya,  waxaanu  nahayna laba dal oo jaar ah, Puntland-na way ogsoontahay caalamkuna wuu ogsoonyahay xuduudda Puntland halka ay ku taalo, xaqna uma laha in ay ka hadlaan Puntland markaanu tagno magaalooyinkayaga, waanan tagaynaa, Somaliland ogolaan mayso in xuduudaheeda laga soo talaabo gar-darrana lagu sameeyo, anaguna nabadda ayaanu jecel nahay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Danjire Maxamed Biixi Yoonis.

SOMALILANDPOST.NET