Somaliland oo ka hadashay Khilaafka u dhexeeya Dowladda Jabuuti vs shirkadda DP World iyo Saamaynta ay yeelan karto

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay khilaaf la sheegay inuu soo kala-dhexgalay Dowladda Jabuuti iyo Shirkadda DP World oo maalgelin ku samaysay isla markaana gacanta ku haysay maamulka Dekedda magaalada Jabuuti, kaas oo sababay in xukuuumadda madaxweyne Cumar Geelle ku amarto dalkooda ka baxdo.

Shirkadda DP World oo xilligan gacanta ku haysa maamulka Dekedda Berbera kaddib heshiis ay xukuumadda Somaliland kula gashay maalgeshi iyo ballaadhin lagu sameeyo Dekedda ugu weyn dalka, ayaa sidoo kale dowladda Jabuuti kula jirtay heshiis tobanaan sanno ah.

Haddaba, waxa arrintan ka hadlay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti oo sharraxaad ka bixiyey suurta-galnimada saamayn ay Somaliland ku yeelato khilaafka u dhexeeya shirkadda DP World iyo Dowladda Jabuuti oo heshiis tobannaan sanno ah u dhexeeyo maadaama ay maalgelin samaysay Dekedda Jabuuti,

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO DANJIRE CABDIFATAAX OO KA HADLAY ARRINTAN.