Somaliland Oo ka Hadashay KHasaaraha Dagaalka Saaka Kadhacay Deegaanka Booda-cade Fariin Culusna Udirtay Puntland

 

Hargaysa (slpost)-wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Marwo SHugri xariir oo shirjaraa’id ku qabatay xafiiskeeda magaalada hargaysa ayaa ka hadashay dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Kuwa Maamulka Puntland aroornimadii hore ee saaka .

Wasiirku xigeenka waxa ay faahfaahinka bixisay sababta dagaalka keentay iyo khasaaraha soo gaadhay dhankooda iyo waliba maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidanka puntland waxana ay tidhi’’’index

TODOBADA SUBAXNIMO AYAY WEERAR QAAWAN KU SOO QAADEEN CIIDAMO AYLEEDAHAY MAAMULKA PUNTLAND CIIDAMADA QARANKA SOMALILAND OO U DARBAN (UFIRFIRCOON) INAY SI GEESI NIMO LEH UGU JAWAABAAN CIDKASTA OO ISKU DAYDA INAY FARAGALIN KU SOO SAMAYSO QARANKAN XUDUUDIISA ,KARAAMADIISA IYO SHARAFTIISABA ,WAXAY WEERARKAASI UGA JAWAABEEN SI GEESINIMO LEH WAAJIBAAD KOODIINA WAA AY GUTEEN,SOMALILAND WAXA AY LEEDAHAY XAD SUGAN SIYAASADEEDUNA WAXA AY KU QOTONTAA INANAY KU XADGUDBIN XUDUUD CIDKALE  ,INAANAY QARDARO KU SAMAYN CIDKALE OO AY DHOWTO XUQUUQAHA AAS-AASIGA AH EE UMADAHA CAALAMKA IYO KUWA DARISKA AHBA ,HADIISE LOOLA YIMAADO DAANDAANSI SOMALILAND WAXAY DIYAAR U TAHAY INAY NAF IYO MAALBA KU BIXISO SIDII AY U DIFAACI LAHAY QARANIMADEEDA  OO AY IS DIFAACDO OO AY GUDATO WAAJIBAADKEEDA  DASTUURIGA AH .

Wasiirku xigeenka waxa ay intaas raacisay khasaaraha soo gaadhay ciidanka Somaliland iyo maxaabiista ay qabsadeen,,

CIIDANKA SOMALILAND EE GEESIYIINTA AH WAXA SOO GAADHAY DHAAWAC LABA ASKARI AH HAL QOFNA WAA UU KU GEERIYOODAY DHINACA KALE  HADAAN IDIIN SHEEGO GAADHI   XAMUUL   AH WAA LAGA QABTAY  GAADHI XAAJIYAD AH NA WAALAGA QABTAY WAXA KALE OO LAGA QABTAY MAXAABIIS LIX ILAA TOBAN U DHAXAYSA OO AY KU JIRAAN XILDHIBAANO KA SOO JEEDA BAARLAAMKA MAAMULKA PUNTLAND OO DAGAALKU JIRAY

Wasiirku xigeenka oo waxlaga waydiiyay sida ay ka yeelayan maxaabiista ay qabteen waxa ay sheegtay inay  kayeelayaan wixii laga yeeli jiray qof ku soo duulay dalkale  sharcigana ay marin doonaan

Maaha markii ugu horaysay ee ciidanka Somaliland iyo puntland dagaalku dhexmaro gobolada sool iyo sanaag oo ah gobolo ay midkastaaba sheeganayso taas oo sababtay inay noqdaan faran markastaba laysku horfadhiyo ama dagaalka socdo

Majiraan habayaratee wada hadalo laga arinsanayo sidii loo soo afjari lahaa colaada tobanaanka sano maraysa ee u dhaxaysa muran xuduudeedka Somaliland iyo puntland

Inkasta oo  uu jiro xuduud sugan oo  la aqoonsanyahay  oo ay lahayd somaliland markii ay xoriyada ka qaadatay  mustacmaradii ingriiska hadana taasi waa mid aan u cuntamin maamul goboleedka Somaliyeed ee puntland  oo aaminsan in Somaliland ay tahay maamul goboleed ka tirsan somaliya taasina waata keentay isusoo dhawaansho la aanta labada dhinac sababna u ah I qoriga caaradiisa lugu wada hadlo.