Somaliland oo ka hadashay Aragtideda ku Aaddan Shirka Brussels ee Somaliya iyo Heshiiska Cusub (New Deal) ee uu Xambaarsan yahay

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay aragtideeda ku aaddan Shirka taageerada dhaqaale loogu raadinayo dawladda Somalia ee maanta ku qabsoomay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasiirradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Shirka Brussels ee Midowga Yurub ku taageerayo dhaqaalaha Somaliya uu marin-habaabinayo isla markaana aragti khaldan ka bixinayo kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somaliya, balse waxa war-saxaafadeedka lagu xusay inaanay Somaliland luminayn fursadda dhaqaale ee ku duugan Heshiis Cusub (New Deal) ee Shirkaasi u leeyahay heerka taageero ee bulshadu caalamku Somaliland u qoondaysay.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u qornaa sidan: “Xukuumadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa kaalmada bulshada caalamku ku kaalmeynayso gobolka Geeska Afrika. Taasoo sidaas ah haddana Somaliland go’aan adag ayay ka qaadatay in aanay ka qaybgelin shirka Heshiiska Cusub (New Deal) Brussels ee Soomaliya. Shirka waxaan uga gaabsanay inaanu ka qaybqaadano isaga oo aan Somaliland siinin mudnaanta iyo meeqaamka ay leedahay, isla markaana tixgelin rabitaanka shacabka Somaliland. Wuxuu kaloo muujinaya sawir khaldan in Dawlada Somalia ka taliso Somaliland. Dawladda Somaliland waa dawlad metesha shacabka ku doortay hab-dimuqraadi ah, mana jiri karto cid kale oo sinaba ku meteli karta danaha shacabka Somaliland.

Laakiin shirka maalinta kaliya ah ee ka dhacaya Brussels waa in aanu inaga ilduufin mudnaanta weyn ee ay maalintani leedahay. Maanta, Somaliland waxa ay u gudbaysaa weji cusub oo ah fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirka ka dhacaya Brussels ayay bulshada caalamku si rasmi ah ugu qoondaynaysaa hannaan gaar u ah Somaliland oo ku salaysan mabaa’diida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada Tamarta yar. Hannaankan gaarka u ah Somaliland waxa uu noqon doonaa qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay saaxiibada deeqbixiyeyaashu ku maalgelinayaan qaybaha mudan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland.

Hannaanka gaarka u ah Somaliland gebi ahaantiiba waa mid ka madaxbanaan ka Soomaaliya ee ay taageerayso bulshada caalamku. Mabaadiida iyo mudnaanta hagaya Hannaanka gaarka u ah Somaliland waxay ku dhisanyihiin go’aanka Dawladda Somaliland oo latashi buuxda la samaynaysa bulshada Somaliland. Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in Somaliland aanay aqbali doonin hannaan siyaasidaysan oo xambaarsan weedho daciifinaya ama dibin-daabyeynaya raadinta aqoonsiga ee Somaliland. Waxaan uga mahadnaqaynaa deeq-bixiyeyaasha sida ay u tixgeliyaan himiloyiinka shacabka Somaliland, iyo taageerada iskaashiga horumarinta ee tixgelisay duruufaha u gaarka ah Somaliland.

Sidaa awgeed, hannaanka Somaliland u gaarka ahi waxa uu xoojinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SHS) ee ay aasaaseen xukuumadaha Denmark iyo UK sannadkii 2012, kaas oo xaqiijinaya maamul-wanaag iyo xisaab-celin laba geesood ah isla markaana suurta gelinaya in xukuumadda Somaliland iyadu hoggaamiso horumarka dalka. SHS waa mid imika si buuxda u hawl-gala. Waa sanduuq horumarineed oo ay doorbidayso Xukuumadda Somaliland kuna dhiirigelinayso deeq-bixiyeyaasha in ay ku soo biiraan isla markaana ay mucaawinadooda ku xoojiyaan SHS.

Labaatan sanno oo ay ku hawlanayd dhisidda dawladnimo, Somaliland waxa ay seeska u dhigtay mustaqbal isbeddel iyo koboc dhaqaale ku salaysan. Waddanku waa mid nabdoon oo xasilan; carruurteenu waxa ay haystaan fursad waxbarashada Dugsiyada Hoose oo bilaash ah; waxa aanu fidinay adeegyada Caafimaad iyo biyo miyi iyo maagaalaba; muwaadiniintayaduna waxa ay si joogto ah uga qaybqaataan doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mahad waxa iska leh hannaanka adag ee maareynta xisaabaadka qaranka, kordhinta dakhliga cashuuraha iyo ka-hor-tagidda musuq-maasuqa. Miisaaniyadda Somaliland ee 2013 waatii ugu ballaadhnayd ee uguna dheeli-tirnayd ee soomarta taariikhda Somaliland. Sidaa awgeed, xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay dejinta jewi ay mucaawinooyinku ku samayn karaan saameyn weyn taas oo ay xukuumadduna ay dhabarka u ridanayso masuuliyadda hawlaha horumarineed.

Laakiin harumarkan kali ma sii wadi karko,- waxa aanu u baahanahay taageerada bulshada caalamka si aanu u xaqiijino himilooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka. In xidhiidh aanu la samayno saaxiibadayada horumarinta anaga oo u marayna qaab-dhismeedka Heshiiska Cusubi waa tallaabo weyn oo aanu ku xaqiijin karno himilooyinkeena.”

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa