Somaliland oo Ka digtay Faro-gelinta Hay’addo Ajaanib ahi ku Hayaan Shuruucda Dalka Iyada oo Aqoonyahankii Dalku Joogo

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay Faro-gelin ay sheegtay inay ku hayaan Sharciga iyo Shuruucda dalka Hay’adaha tirada badan ee ku sugan dalku, isla markaana, aqoonsadaan Aqoonyahannada Qaranka ee dhanka sharciga.

 

Xukuumaddu waxay sheegtay in Hay’ado doonaya inay gunno ku soo qaataan Arrimaha Sharciga ee Somaliland hoosna u dhigaan tayada khuburada dhanka sharciga ee Somaliland, iyaga oo shaqo ka dhiganaya inay tabobbarro qabtaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre oo Shalay ka hadlayey Furitaanka Shir Hargeysa uga furmay Guddiga Caddaaladda, ayaa sidaas sheegay

“Waddanka waxaynu uga masuul nahay inaynu Sharcigiisa iyo Xeerarkiisa ilaalinno ee aynu habeyno. Sharci-yaqaannadii iyo Xeer-ilaaliyayaashii iyo Aqoonyahannadii Sharciga ee dalku way buuxaan oo wixii Khuburo ah waa la soo qaadan karaa (Shaqaaleysiin karaa).”ayuu yidhi wasiirka caddaalada Somaliland.

 

waxanu soo jeediyay in arinkaasi laga tashado haayadaha arimaha sharciga farogalinta ku haya.

“Laakiin, inay boqol Hay’adood is dhex cararaan oo ay Sharcigeenna qolo kastaa tidhaahdo wax garan maysaan maaha iyaga oo doonaya inay inyar oo gunno ah ku soo qaataan, arrinkaana inaynu ka tashanno ayaynu u baahannahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Somaliland Axmed Faarax Cadarre.