Somaliland oo ka digtay Cawaaqib-xumo ka dhalata Ogolaansho Isbahaysiga Sucuudigu uga qaatay Soomaaliya Isticmaalka Hawada Dalkeeda

Hargeysa (SLpost)-  Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u jeedisay Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee Duqeymaha dhinaca Cirka ku bartilmaameedsanaya fadhiisimada iyo Goobaha ay ka taliyaan Xoogagga Xuutiyiinta ee Af-gembiyey dowladdii Sharci ahayd ee dalka Yemen, kuwaas oo dhowaan dowladda Soomaaliya oggolaanshiyo u weydiistay isticmaalka Hawada iyo Badda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdi Salaan Hadliye oo shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inay u oggolaadeen Huwanta Sucuudigu hoggaaminayo haddii loo baahdo Isticmaalka Hawada iyo Badda Soomaaliya, si meesha looga saaro dagaalyahannada Xuutiyiinta iyo Xulufadooda oo ah taageerashada madaxweynihii hore ee dalkaasi Yemen Cali Cabdalla Saalax.

maxammuud xaashiDalka Somaliland ayaa ah Meesha ugu dhow Gacanta Cadmeed iyo dalka Yemen ee Isbahaysigu sticmaalo karo Hawada iyo Badda dal-weynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray digniin adag ugu jeediyey isbahaysiga Sucuudigu inay isticmaalaan Hawada iyo Badda Somaliland iyagoon oggolaanshiyo ka haysan Xukuumadda Somaliland, waxaanu ku gooddiyey in Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayaa dusha ku qaadan doonaan cawaaqib-xumada ka dhalata tallaabaas haddii aan oggolaanshiyo laga haysan Xukuumadda Somaliland, waxaanu farriin ugu diray waddamada Sucuudigu hoggaaminayo inaanay dowladda Soomaaliya awood u lahayn inay go’aamiso oggolaanshiyaha isticmaalka hawada iyo Badda Somaliland.

Wasiirku uu ugu horeyn ka deyriyey xaaladda dalka Yemen, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in xal loo raadiyo qalalaasaha ka taagan dalkaas, waxaanu yidhi, “ Jamhuuriyadda Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda.”

Md Maxamuud Xaashi oo farriin u dirayey xulafada Sucuudiga, waxa uu yidhi, “Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Badda, iyo Garoomada Qaranka Somaliland ilaa ogolaasho rasmi soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland.

Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed uu cad yahay, hadana ma isticimaali karaan annagoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, fariin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaadda arintaasi hadii ay dhacdo iyagaa ka masuula. u raacimayno masuuliyadeeda Dawladda Soomaaliya.”

Isaga oo la hadlayey Dowladda Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Dawlada Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho cid haka marti soorto, wax aanay haynin ninka yidhaa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah, waxay carabtu ku maah-maahdaa ‘ninkaan waxba hayni waxba ma bixiyo’.

Garoomada Somaliland,  Hawadeeda iyo Badeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen ogolaashaheeda Dawladda Muqdisho ma bixin karto.”

Go’aanka shalay ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, ayaa burinaya isla markaana ka hor imanaya go’aan uu dhowaan kaga dhawaajiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliand Cali Maxamed Waran-cadde oo la weydiiyey haddii ay xukuumad ahaan u oggolaan doonaan isbahaysiga Sucuudiga isticmaalka Madaarka Berbera haddii la weydiisto, waxaanu sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta, sidaas awgeedna ay u hoggaansamayso go’aan kasta oo ay Isku raacaan dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ee Isu-bahaystay dagaalka Duqeynta lagaga soo horjeedo.