Somaliland oo Hambalyo u dirtay Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa ku hambalyeysay Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Xuska sannad-guurada 43-aad ee ka soo wareegtay Midowgii Imaaradaha uu waddankaasi ka kooban yahay, kaas oo maanta looga dabbaal-degayo waddankaas.

Sh Khalifa_SilanyoMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa hambalyo u diray Madaxda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta oo uu ku hambalyeeyey xuska sannad-guurada 43-aaad ee Midwogii Imaaraadka Carabta oo maanta ku beegan, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan iyo Shacabka dalkaas.

Dhambaal hambalyo ah oo ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Isu-taga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, sanad guurada 43-aad ee ka soo wareegtay (Ciidal Itaxaad ) midayntii Imaaraadka Carabta awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Madaxweynaha Isu-taga Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayed Bin Sultan Al Nahyan iyo shacbiga Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ah Dal iyo dad aynu walaalo nahay oo ay inaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Isu-taga Imaaraadka carabta iyo Madaxdiisaba Alle uga baryayaa inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland