Somaliland oo gargaar bani’aadanimo gaadhsiinaya Xeryaha Qaxoontiga Muqdisho iyo Dhadhaab

Hargeysa, (SLpost)-  Laba wefti oo ka kooban lix xubnood oo uu horkacayo wasiirka diinta iyo awqaafta ee jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil, ayaa berri u kala ambo-baxaya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi si ay u gaadhsiiyaan lacagtii gargaarka ahayd ee laga ururiyey shicibka iyo ganacsatada reer Somaliland.

Kooxdan berri socdaalaysa ayaa waxa ka mid ahaa abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) iyo Guddoomiyaha gudoomiyaha  rugta ganacsiga, Mudane Xasan Cabdi Cawad oo iyagu u socdaalay magaalada Muqdisho, halka wasiirka iyo xubnihii la socday u baqooleen dhankaas iyo dalka Kenya si ay qaadhaanka u gaadhsiiyaan xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab.

Lacagta deeqda ah oo gaadheysa $700 Kun oo Dollar ayaa noqotey mid qaar ma mid ah culimada diinta ee ugu waaweeyn iyo dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay ka muujiyaan dareen iyo shaki, iyaga mar walba ay dooddoodu ahayd in aanay xaq ahayn lacagta Xamar la geeynayaa,iyada oo la wada ogyahay in bishan gudeeheeda ay jireen dad macaluul ugu dhintey caasimadda dalka.

Dhinaca kalena waxa jirey warar xog ogaal ah oo tibaaxayey in madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif, uu diidey in lacagtaas la keeno Xamar, iyada oo huwan magaca Somaliland, sidaa darteedna ay khasab noqotey in loo gudbiyo hab deeq hay’adeed oo kale, oo aanay ku magacawnayn Jamhuuriyadda Somaliland, arrintan oo mar labaad sii xoogeysey dareenka lagaga soo horjeedey gudbinta lacagtan.

Xubnaha safarkan ugu kicitimey magaalada Muqdisho ayaa mar ay saxaafadda u warramayeen, waxa ay ujeeddada safarkooda ku koobeen gubinta lacagtan oo keliya, hase yeeshee dad badan oo ka mid ah shicibka, isla markaana mintid ku ah qaddiyadda goonni isu taagga jamhuuriyadda Somaliland ayaa u arka in ay tani tahay furitaanka waddo halaq mareen ah, iyada oo weliba si gaar ah farta loogu fiiqayo dad ku jira guddigan oo hore loogu tirinayey in ay u nugul yihiin xodxodashada reer Muqdisho.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland