Somaliland oo faahfaahisya Xidhiidh Dhexmaray Sarkaalka ugu sarreeya hay’adda ICAO iyo Arrimo laga wada-hadlay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa ugu baaqay hay’adda ICAO oo Gacanta ku haysa maamulka Hawada sare ee dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya aan ku wareejin doonin maamulka hawada dawladda Muqdisho.

Farxan Aadan Haybe waxa uu sheegay in sarkaalka ugu sarreeya hay’addaasi uu la soo xidhiidhay isla markaana u xaqiijiyey inaanay maamulka hawada ku wareejin doonin dawladda Soomaaliya. Sidaasna waxa uu wasiirku ku sheegay xog-warran kooban uu siiyey Telefishanka HCTV.

HALKAN KA DAAWO WARKA OO FAAHFAAHSAN
https://www.youtube.com/watch?v=JdfMvuCPyzU