Somaliland oo Digniin Adag ka soo Saartay Qorshaha Wada Hadalada ee Turkiga iyo Soomaaliya Wadaan

 

Hargeysa(SLpost) – Dawladda Somaliland ayaa digniin adag ka soo saartay qorshaha dawladda Turkiga ee ah in madaxdhaqameedka lagu wareejiyo wada hadalkii Somaliland iyo Somalia, waxaanay shacabka iyo madaxdhaqameedka uga digtay in laga qayb galo shirkasta oo ku saabsan masiirka.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay inay dawladda Somaliland shirarkii Turkigu dhexdhexaadinayay u aragtay miday Somaliland kagala mid dhigaysay bulshada Kurdida ee Turkiga oo kale, sidaas darteedna Somaliland dib uga baxday qorshihii wada hadal.

 

Wuxuu wasiir Warancadde digniin adag u diray dawladda Turkiga iyo Somalia oo uu u sheegay inaanay soo faro galin arrimaha siyaasadda Somaliland. Waxa uu sheegay in Somaliland goosatay in dhexdhexaadin balaadhan oo dawladda caalamku goobjoog ka yihiin mooyee aanay shir Turki dib uga qayb gali doonin.

Halkan kala daawo digiinta Xukuumadda Somaliland.

 

 

https://youtu.be/HMdcJOtBa1Y

 

Raysal-wasaare ku xigeeenka Soomaliya ayaa sheegay inay doonayaan in qorshe cad laga yeesho wada hadala u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay inay natiijo wanaagsan yeelan doonaan mustaqabalka.

“In qorshe cad oo muddaysan lagu jaangooyo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo dhalin karta natiijo la taaban karo”ayuu yidhi Maxamed Cumar Carte Qaalib raysal-wasaaraha dawlada Somaliya.

 

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office