Somaliland oo Difaacday Sharciyadda ay u martay Maxaabiis sii-deyntooda lagu dhaliilay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa iska difaacday eedayn dowladda Seychelles ugu jeedisay Sii-deynta Maxaabiis u Xukunnaa falal budhacad-badeednimo kuwaas oo muddo sagaal sanno ah ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalda Hargeysa.

 

Maxaabiista oo tiradadoodu ahayd 19 qof oo u dhashay dalkaasi Soomaaliya oo hore loogu maxkamadeeyey dalka Seychelles, ayaa horaantii sannadkii 2011-kii lagu soo wareejiyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa kaddib markii heshiis dhinaca sharciga ahi dhexmaray Xukuumadaha Somaliland iyo Seychelles iyagoo muddo 9 sanno ah ku xidhnaa xabsiga, balse cafis uu madaxweynaha Somaliland u fidiyey maxaabiista ayaa xukuumadda Somaliland ku sii daysay todobaadkan iyadoo aanay u dhammaanayn muddadii lagu xukumay inay Xabsiga Jiraan. Waxaanay tallaabadaasi sababtay in dowladda Seychelles arrintan ka hadasho iyadoo dowladda Somaliland ku eedaysay inay jebisay heshiiskii dhexmaray labada dhinac iyo xukunkii lagu riday maxaabiista.

 

19-ka Maxbuus oo ay weheliyaan Madax-dhaqameedka deegaannada ay ka soo jeedaan maxaabiista oo u dhashay gobollada Dhexe ee Soomaaliya, ayaa todobaadkan ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kaddib kulan dhexmaray madaxweynaha Somaliland oo dhammaantood ku qaabilay qasriga Madaxtooyada.

 

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somaliland Cabdisamad Maxamed Maal, ayaa sheegay in dowladda Somaliland sii-deynta Maxaabiista u martay shuruucda u dejisan dalkeeda isla markaana aanay jirin meel-ka-dhac iyo sharci-jebin la sameeyey, sida dowladda Seychelles ku eedaysay Somaliland.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN IYO HADALKA GARYAQAANKA GUUD KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE