Somaliland Oo Dib U Fasaxday Imaanshaha Qaxoontiga Soomaalida Ah Ee Kasoo Cararaya Dagaallada Yemen

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Somaliland  ayaa dib u fasaxday qaxoontiga  u dhashay  Soomaaliya  ee ka imanaya dalka  Yemen oo ay hore u  joojisay inay soo galaan  todobaadkii  hore.Cali Siciid Raygal

Wasiirka  dibu-dejinta Cali  Siciid  Raygal ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay qaadatay go’aan markii ay eegtay duruufo badan oo dhinacyo badan ay ka eegtay in qaxoontigii Soomaaliya u dhashay ee kasoo cararayay dalka Yemen ay maanta laga bilaabo iman karaan, isagoo xusay in hay’addaha qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR IYO IOM ay qoraallo rasmi ah kusoo gaadhsiiyeen Somaliland inay dadkaas gaadhsiinayaan deegaankoodii marka ay yimaadaan Somaliland. “Haddaanay wax dhibaato ah oo ammaanka wax yeelaya ama duruufo loo malaynayo inaanay sidan ku shaqayn karayn aanay soo kordhin xukuumadda Somaliland way fasaxday.” Ayuu warbaahinta u sheegay wasiirka dibu-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal.

Xukuumadda Somaliland ayaa 24-kii bishan joojisay inay kasoo degaan dekaha dalka dadka u dhashay Soomaaliya ee kasoo qaxaya dagaallada dalka Yemen, ka dib markii ay ku sababeeyeen inay jiraan arrimo ammaan-darro iyo cabsi laga qabo inay kusoo dhex dhuuntaan dad argagixiso ahi. Sidoo kale Somaliland ayaa ku doodday inay caawimo uga waayeen hay’addaha gargaarka iyo qaxoontiga u qaabilsan qaramada midoobay.

Somalilandpost.net