Somaliland oo ay ku soo badanayaan Hay’ado Hawlahooda Samafal Barbar Wada Qorshayaal siyaasadeed oo lagu mijo-xaabinayo Dhaqanka iyo Diinta Suubban iyo Dhoy-la’aanta Xukuumadda

logo-cesviHargeysa (SLpost)- Waxa muddooyinkii u dambeeyey Dalka ku soo badanayey Hay’ado laga leeyahay waddamada reer Galbeedka oo Hawlaha Samafal ee ay Somaliland u joogaan ka dhinac wada siyaasad lagu waxyeellaynayo Dhaqanka Suubban ee dadka iyo Diinta Islaamka, kuwaas oo ay xukuumaddu isku-idhotirto wax ka qabashadooda.

Hay’adahan ay madax ka yihiin shakhsiyaad muwaadiniin ah balse qorshahooda Shaqo laga hago Xarumaha laga soo abaabulo hawl-galoollada iyo qorshayaashooda siyaasadeed, ayaa inta badan ku dhex-dhuunta Wax-qabadyada ay bulshada u qabtaan, iyaga oo mararka qaarkood lagu arko Work-shopyada ama siminaarrada ay qabanayaan qaybo ka mid ah Qorsheyaashooda daahsoon.

Hay’adahan waxa ka mid ah Hay’ad caalami ah oo magaceeda la yidhaahdo CESVI, ayaa bilowday siyaasad ay doonayso inay dalka ka hirgeliso oo ka horimanaysa diinta Islaamka, isla markaana dhiirigelinaysa xumaanta sinnada iyo yaraynta dhalmada.

Hay’addan CESVI oo ah Talyaani dalka timi muddo saddex sanno ka hor ah oo fulisa hawlo la xidhiidha carruurta Somaliland, ayaa la soo baxday fadeexado fool xun oo si aan gabbasho iyo qarin toona lahayn si badheedh ah ay u doonayso inay u fuliso, iyadoo aan dawlad iy shacab toona kala xishoonayn u soo bandhigtay siyaasad ay damacsan tahay in lagu dhaqo carruurta dalka oo ay ku dartay qodobo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee shacabku leeyahay.

Fadeexadan ayaa ka soo ifbaxday kulan tababar (workshop) hay’addani u qabatay inay ku gabogabayso siyaasad ay sheegtay inay u samaynayaan carruurta Somaliland oo ay kala shaqaynayeen qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumaddu, kaas oo muddo saddex maalmood ah oo July 16 – 18-kii 2013 ka socday huteelka Maansoor ay ku casuumeen dad badan oo ka kala socday hay’adaha waddaniga ah, kuwa dawliga, hay’adaha Qaramada Midoobay, xubno cuqaal, culimo iyo gudiyo la shaqeeya hay’addaas, kuwaas oo iyagu fashiliyey qorshaha dhaqan-xumada ah ee hay’addu wadatay.

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka mid ah dadkii tababarka ka qaybgalay masuuliyiin ka socday hay’adda CESVI oo furitaankii siminaarka ka hadlay waxay sheegeen in tababarkani yahay kii ugu dambeeyey ee lagu hirgelinayo siyaasadda carruurta, isla markaana lagu ansixin doono siyaasaddan oo ay xusayeen inay ka kooban tahay arrimahan:-

1. Dumarka yaraanta lagu guursado (Early Marriage)
2. Carruurta lagu shaqaysto
3. Carruurta askarta la qoro
4.Carruurta naafada ah
5. Gudniinka fircooniga ah
6. Carruurta darbi jiifka ah
7. Carruurta la dilo ama la garaaco
8. Carruurta la faro xumeeyo
9. Carruurta la bahdilo
10. Carruurta la dayaco
11. Carruuta la iibsado ee la tahriibiyo.
Hadaba, waxay markiiba soo bandhigeen qodobka kowaad ee ka hadlaya gabadha yaraanta lagu guursado oo ay u qaybiyeen laba qodobo oo kala ah sidan;

1. In ay reebban tahay in la guursado ama la mehersado gabadh ka yar 15 jir, isla markaana aan gabadha la guursan karin haddaanay iyadu si buuxda u oggolaan ninka guursanaya iyo in hay’addaha sharciga ay shaqadooda tahay inay hubiyaan in aanay dhicin in gabadh ka yar 15 la guursado hadday dhacdana ay tallaabada ku habboon ka qaadaan.

2. In ay reebban tahay in la guursado ama la mehersado gabadh 15 jir ah ama ka yar, gabadhana lagu guursan karo 16 jir ilaa 18 jir. Sidoo kalena ay reebban in uu gabadha uu guursado nin ka wayn 3 sanno wax ka badan oo hadday gabadhu tahay 16 jir ninku kama waynaan karo 19jir. Gabadhana laguma qasbi karo nin aanay raali ka ahayn, waxa hay’addaha sharciga la farayaa inay arrintaa ilaaliyaan cidda ku xad-gudubtana ay tallaabo ka qaadaan.

Qodoban ayaa markiiba dhaliyey dood dheer oo madasha ka bilaabantay, waxaanna culimo iyo aqoonyahaba la isku raacay in aanay diinteena Islaamku xadidin guurka, laakiin ay dhiirigalisay, arrintanina ay horseedayso sinnada oo badata iyo dhasha oo yaraata.

Haseyeeshee, masuuliyiintii hay’adda CESVI may dhegaysan dooda dadka ee waxay si jujuub ah shirka u mariyeen cod ay sheegeen inay si qarsoodiya loogu qaadayo labadaas qodob oo qof kastaaba labada kuu raacsan yahay lambarkiisa warqad ku qorayo oo sanduuq ay wateen ku rido, balse iyadoo dadka badankiisu ka biyo diideen in cod la qaado iyadoon la isla meeldhigin dooda qodobadan ka taagan, gaar ahaan qodobka labaad oo meel-ka-dhac wayn ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee dadka reer Somaliland, basle cod la qaaday ayaa dad iyaga u shaqeeya calaamadiyey qodobkii ay doonayeen oo u calaamadiyeen dumar waawayn oo aan waxna akhriyin waxna qorin oo ka qaybgalayaasha ka mid ahaa, waxaanay halkii ka sheegeen in aqlabiyadu raacday sidii ay doonayeen.
Haseyeeshee, rag odayaal ah oo arrintan ka biyo diiday ayaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku wargeliyey arrintan, taas oo keentay in culimo waawayn oo ka socotay wasaaraddu ka qaybgasho siminaarka maalintii labaad, kuwaas oo halkaasi ka sheegay in diinta Islaamku bannaysay gabadha yar marka ay dhalato in la meherin karo marka ay reer dhaqan kartana lala guri gali karo. Waxa kaloo ay caddeeyeen in aan habayaraatee wax dabar ah lagu xidhi karin gabadha iyo xilliga ay guursanayso iyo da’ada ninka guursanaya toona. Sidaa darteedna, waxay culimadii waxba kama jiraan ka dhigeen qodobadii hay’addu wadatay, doo dheer kadibna waxa la soo jeediyay in lagu beddelo qodobkan:
• Waxa la dhiirigalinayaa in lammaanaha is guursanayaa gaadhaan da’da ku habboon oo ah wixii ka wayn 15 jir, gaar ahaan gabdhaha taas oo ah in gabadhu noqoto RASHIIDA oo micnaheedu yahay gabadh guurka iyo dhalmada iska xejin karto.
Arrintan ayaa si cad u bayaaminaysaa in hay’adan CESVI ay ka wado dalka khalkhalgelin iyo dhaawacaysa diinta Islaamka, isla markaana ay aad ugu dhiirrantahay inay siyaasad si cad uga horimanaysa diinteenna suubban horgayso Golaha Wasiirrada oo la doonayo inay ansixiyaan.
Lama oga in qodobada kale ee siyaasaddan ay ku jiraan waxyaabo lidi ku ah diinta iyo dhaqanka shacabka Somaliland midna, maadaama saddexdii maalmood ee siminaarkaasi socday lagu muramayey qodobka kowaad oo keliya, isla markaana hay’addu u diiday ka qaybgalayaasha inay siiso nuqullo ka mid ah siyaasadda oo dhammaystiran.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa