Somaliland: Nidaamka Mushahar-bixinta Shaqaalaha Dowladda oo la casriyeynayo

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa bilaabaysa qorshe Carsiyeysan oo Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha Dawladda loo sameynayo, waxaana  qof kasta oo shaqaale dawladdeed ah loo sameyn doona nidaam Xisaabeed  u gaar ah (Personal Account) oo looga furayo Baanka dhexe.

1Guddoomiyaha Hay’adda shaqalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud Geedi iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin “Baqdaadi” oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa kulan saddex geesood oo iskugu yimaadeen Xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda, waxa iskula qaatay Qorshaha  bilowga  casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda  halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo.

Nidaamkan oo noqonayo markii u horeysay ee Shaqaale-weynaha Dowladda loo sameeyo, ayaa la jaan-qaadi doona nidaamadda caalamiga ee dawladaha Caalamka iyo shaqaalahoodu dhinaca mushahaar bixinta ay ku wada macaamilaan mushaharka qof kasta oo shaqaale dawladdeed ahina helayo markay bishu dhamaato (Account)-kiisa lacagta uu xaqa u leeyahay loogu shubo.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladu soo dhamaysay tirintii Shaqaalaha Dawladda halkaas oo loo gudbiyo tayeyntii shaqaalaha dawladda oo ay kamid tahay casriyeynta  nidaamka mushahar bixinta

Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Agasimaha Guud ee Baanka Dhexe ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qaran ahaan u keenaysa sumcad wanaagsan sida oo kalena kor u qaadaysa dhaq-dhaqaaqii baanka dhexe  iyaga oo  dhanka kalena tilmaamay  in ay xoog iyo xirfad ahaanba diyaar u yihiin in ay shaqadaa qabtaan.

Dhanka kale,  Xisaabiyaha Guud oo kulankan qayb ka  ahaa ayaa xusay sida ay tallaabadani kor ugu qaadayso nidaamka la xisaabtanka isaga oo xusay in nidaamkani la dagaalmi doono in mar dambe caagle ama qof aan jirin samaysmo, maadama qof walba account yeelanayo.

 Shaqaalaha  Dawlaada Somaliland ayaa ah kuwo imika tiro ahaan sugan,  siyaasado intii ay u baahnayeena  loo diyaariyey  iyada oo imikana la horumarinayo nidaamka mushahar bixintooda

 Ugu dambayn, qorshahan ayaa kamid ah dedaalada loogu jiro  dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda,  maamul-wanaaga , la-xisaabtanka iyo kor u qaadida  tayada iyo tamarta Shaqaalaha Dawladd.