“Somaliland may lahaan jirin dhaqanka Gacan-ku-dhiigle la ilaalinayo!” – Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shacabka iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay sida horumarka iyo iskaashiga adeegyada bulshada uga qayb-qaataan sidoo kalena ugu dhiirradaan inay xukuumadda ku garab-istaagaan ilaalinta nabadgelyada iyo xoojinta nidaamka dowladnimo ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xadhigga kaga jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalada Berbera, waxa uu ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto cid kasta oo duullaan ku ah waxyeellaynta nabadgelyada dalka iyo Isku-xidhnaanta bulsahda, isagoo carrabka ku dhaftay in muddooyinkii u dambeeyey dhaqan-xumo aan Somaliland laga aqoonin lagu arkay dalka, isagoo tusaale u soo qaatay in la taageero dad nabad-gelyo-darro ka wada dalka.

Wasiirka oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxa qudha ee aynu u baahannahay waa nabadgelyo iyo maamul dowladeed. Waxaynu u baahannahay in la ilaaliyo nidaamka oo layska ilaaliyo dadka nabadgelyo-darrada wada. Hadda waxaynu arkaynaa gacan-ku-dhiigle ayaa wax dilaya. Gacan-ku-dhiiglihii waa la kaxaynayaa, reerkiisiibaa barbar galaya, lacagbaa ilaa qurbaha looga shubayaa, xaggee lagu arkay? Maynaan lahaan jirin dhaqanka gacan-ku-dhiigle la ilaalinayo!”

 

Wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaynu u baahannahay Somaliland gobolkasta iyo degmo kasta iyo bulshada meel kastoo la joogo in nabadgelyada la ilaaliyo oo gobol kasta dadku garab istaagaan oo gacan-ku-siiyaan ciidamada ammaanka iyo maamulka la deggen”.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com