SOMALILAND: Maxkamad Xukun iyo Ganaax ku ridday Dad iyo Gaadiid ku xad-gudbay Amar Madaxweyne

Baligubale (SLpost)- Maxkamada Gobolka Hawd ayaa maanta Ganaax iyo xukun ku ridday Baabuur iyo Darawalkii waday ka dib markii lagu qabtey 8 Giintaal oo Baco ah kuwaasi oo hore dalka looga Mamnuucay isticmaaalkooda.

Darawalka waday Baabuurkan siday Bacaxa ayaa Maxkamada Gobolka hawd ku riday Xukun dhan 6 Bilood oo xadhig ah, halka Baabuurkiina lagu Ganaaxay inuu bixiyo aduun dhan Boqolkiiba Shan.

MAXKAMADGudoomiyaha Gobolka Hawd Sh.Cabdilaahi Maxmuud Aw Cabdi ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Edaysanaha iyo Baabuurkii uu waday

Taliyaha Qaybta ee Ciidanka Booliska Gobolka Hawd Gaashaanle Dhexe  axmed cabdillaahi cabdi Ayaa  isna ka Hadley Xukunka isla markaana waxaa uu fariin adag u direy dadka oota Seeraha Maxkamada Gobolka Hawd ayaa guud ahaanba gubtey Bacahaasi  la soo qabtey.

Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ayaa noqonaya markii u horeysay ee gobolka Hawd xukun noocan oo kale ah ka soo baxo waaxda garsoorka tan wixii ka dambeeyey markii madaxweynaha Somaliland digreeto ku mabnuucay in dalka gudihiisaa laga isticmaalo Bacaha oo dhibaato weyn ku haya deegaanka iyo bilicda magaalooyinka.

WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN HOOS KA DAAWO