SOMALILAND: Madaxweyne Siilaanyo oo Farriim Dibloomaasiyadeed u sii Xambaariyey Wefti Kenyan ah oo Dalka Booqasho ku yimi

Hargeysa(SLpost)-Weftigii ka socday Baarlamaanka iyo dawladda Kenya ee booqashada ku joogay Somaliland ayaa maanta ka dhoofay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Waxaanay warqad ku socota Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku wajahan adkaynta wax wada qabsiga labada dal ka sii qaadeen Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, oo ka mid ahaa madaxdii sii sagootiday weftigan, ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobo la isku waafaqay oo lagu kor yeelayo xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi “Weftigii ka socday Kenya saddex maalmood ayay dalka joogeen waxay la kulmeen madaxweynaha, Goleyaasha, Wasiirro, waxaanay booqdeen magaaladda Berbera iyo Degmadda Arabsiyo runtiina way ka heleen booqashadii ay ku tageen deegaankaas. Weftigan oo maanta dhoofay waxa lagu heshiiyay waxa ka mid ah in labada dal iska kaashadaan dhinacyadda nabad-gelyadda, baayac mushtarka iyo Socdaalka.”

wafi kiiniya

“Weftigu waxay madaxweynaha Somaliland iyo dawladda ku marti qaadeen inuu Kenya tago, madaxweynuhuna (Axmed Siilaanyo) warqad balaadhan ayuu u qoray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo weftigu sii qaadeen oo ay gacanta ka gelinayaan,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf.

Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu tilmaamay in labada dal isku af-garteen sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen isla markaana kor ugu sii qaadi lahaayeen cilaaqaadkooda.

Madaxii weftigan Mss Aniya Kabita ayaa oo iyana la hadashay saxaafadda ka hor intii aanay ka dhoofin Somaliland, ayaa sheegtay inay ka heshay booqashadii ay ku joogeen dalka saddexdii dharaarood ee la soo dhaafay, waxaanay xukuumadda iyo goleyaasha uga mahad celisay sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen. Mss Aniya Kabita waxay intaas ku dartay in wixii ay Somaliland ku arkeen ay u gudbin doonaan baarlamaanka iyo dawladooda.

Somalilandpost.net

Hargaysa