Somaliland: Madaxda iyo Shacabka oo aan shalay u kala hadhin Salaad Roob-doon ah oo laga Oogay dalka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo madaxda dawladda, ayaa maanta dadweynaha gobollada iyo degmooyinka ku dhaqan kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo Eebbe lagaga baryeyay Raxmaadkiisa roobka.

DSC08020Salaadda Roob-doonta ah oo laga oogaday dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa laysugu soo baxay goobaha cibaadada iyo fagaareyaasha dadku isugu soo baxo, ayaa mar kaliya ka bilaabmay abbaaro 9:00-kii subaxnimo oo lagu ballansanaa, sida uu hore u shaaciyey wasiirka wasaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi.

DSC08018Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dadweynaha magaalada Berbera kula tukaday garoonka kubadda Cagta ee Bursade, halkaas oo ay isugu baxeen kumanaan ka mid ah shacabka magaaladaas oo ay wehelinayeen madaxda gobolka iyo degmada Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo oo markii salaadda laga soo baxay hadal kooban oo duco u badan jeediyey, ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaynu isugu soo baxnay in aynu illaahay ka barino inuu roob kheyr leh ina siiyo, oo ummaddeena iyo dalkeenu aad ugu baahan tahay, iyadoo dadkeenu u badan yahay xoolo dhaqato iyo beeralay, markaa waxaan leeyahay ducadaa iyo salaadaa roob-doonta ah illaahayow ha inaga aqbal,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

DSC08017Magaalada Hargeysa ee Caasimadda ah ayaa si fiican looga Oogay Sallaada roob-doonta ah iyada oo madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)uu dadweynaha kula tukaday Garoonka 31-ka May.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay Dadweynihii Halkaas ku tukanayey, ayaa ku boorriyey inay Eebbe weydiistaan inuu raxmaadkiisa u shubo oo uu ka saaro roob la’aanta.

DSC08016Sidoo kale Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa waxa shacabkii ku sugnaa la Tukaday Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Madaxtooyada, iyadoo uu halkaas dadkii ku tujiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey ku baraarujiyey is cafiyaan oo ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay Illaahay ugu toobad keeni lahaayeen oo ay uga fogaan lahaayeen Macaasida iyo waxkasta oo ilaahay cadho gelin kara.

Wasiir Khaliil waxa kale oo uu ku boorriyey shacabka Reer Soamliland inay caawiyaan walaalahooda Goobaha Miyiga ah deggen oo ay si gaar ah Abaarta iyo Roob yaraantu u taabatay.

Dhinaca kale, waxa salaadda Roob-doonta ah laga oogay oo si ballaadhan laysugu soo baxay magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Saylac, Ceerigaabo, Laascaanood, Oodweyne iyo guud ahaanba Degmooyinka kale iyo Tuulooyinka dalka, waxaanay dadweynuhu Eebbe ka baryayeen inuu cirka uga shubo raxmaadkiisa.

 

SOMALILANDPOST.NET