SOMALILAND: Madal Kulmisay Haldoorka Bulshada Iyo Bandhigii Buuga Tahriibta. + SAWIRRO

 Hargeysa ( Slpost) —Xaflada la isku arkay oo ka qabsoontay huteelka ambasador  ee magaalada hargaysa ayaa lagusoo bandhigay buug qiimo badan oo koobsanaya qodobada  saldhiga u ah aafada tahriibta kaasi oo la magac baxay baroortu orgiga ka wayn oo ay qortay aqoonyahanad da,yar oo ka yidhaa deeqa soomajeeste.

Xaflada Buuga Tahriibta 3 Xaflada Buuga Tahriibta (1)

 Madashan waxaa isugu yimid madaxda asxaabta qaarkood,cuqaal,saladiin,dhalinyaro,abwaano,qorayaal waawayn,iyo qaybaha bulshada waxaana lagusoo bandhigay muhiimada buugani leeyahay iyo sida loogu baahanyahay in fikradda deeqa soomajeeste loo tixraaci lahaa isla markaana tahriibka loola dagaalami lahaa.

 Dhalinyaro kala duwan oo door ku lahaa buugan ayaa goobta ka hadlay,ka dibna waxaa hadalka qaadatay qoraaga buugan waxaanay ka warrantay sababaha ku dhaliyay inay buugan qorto iyo muhiimada ay is leedahay wuu yeelan karaa.

 Deeqa soomajeeste eaxay u mahadnaqday abwaano iyo suxufiyiin ay ka mid yihiin abwaan haldeeq iyo axmed cismaan batuun oo ay sheegtay inay qayb wayn ka qaateen soosaarista buuga iyo dhiirigalinteeda waxaanay ka codsatay bulshada somaliland in loo istaago joojinta tahriibta isla markaana dhalinyarada lagu jiheeyo horumar.

 Waxaa iyaguna madashan ka hadlay,aqoonyahano,abwaanno iyo masuuliyiin kala duwan kawaasoo bogaadiyay qoraaga buugan.gudoomiyaha kooxda fanka ee xidigaha geeska abwaan xasan saleebaan laabsaalax ayaa isaguna halkaasi kusoo bandhigay maanso qiimo badan oo ka hadlaysa tahriibka waxaanu ballan qaaday in kooxdiisu ka qayb qaadan doonto la dagaalanka tahriibka.

 Xasan Axmed Ibraahim(Embassy) Axmed Golcadde,Maxamed Baaruud Cali,Maxamed Saleebaan Cumar, iyo aqoonyahano kale ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay.

 gudoomiyaha xisbiga ucid faysal cali waraabe oo madashan ka hadlay ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay in si adag loo xakameeyo tahriibta isagoo qoraaga buugan ku sifeeyay qof karti badan,gabagabadiina agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha maxaked xuseen dhabeeye ayaa ka Hadlay madasha isagoo ballan qaaday in wasaaradiisu ay taageero wayn siin doonto qoraaga buuga isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan suuqgaynta buugan qiimaha badan isagoo wasaaradiisuna goobtan ku iibsatay konton buug,mr dhabeeye ayaa geesta kale ugu baaqay dhalinyarta inay ka qaybqaataan la dagaalanka tahriibta.

 Qoraaga buugan oo ah gabadh da,yar isla markaana degen dalka holland ayaa si shaqsi ah isugu xilqaantay buugan iyadoo ka damaqatay xanuunka dhibta tahriibta waxaanay u ban baxday inay ka hawlgasho baraarujinta amuurtaasi iyadoo aan gacan ka helin bulshada qaybeheeda ay arrintani khusayso hase ahaatee waxay deeqa ku guulaysatay inay riyadeeda meel mariso waxaana lama huraana in la garab istaago.