“Somaliland maanta buuq iyo dhibaato Kama Ogolin, waliba waxaan la hadlayaa Beelaha Dhexe ee ISAAQ” – Garaadk Jaamac Garaad Ismaaciil

“Haddii Somaliland markii hore aad idinku iska wadateen, haddaanu Harti nahay maanta waanu soo galnay. Siyaasadda waxbaanu ku leenahay, doorashadii waanu galnay. Haddaad hore isugu dili jirteen, maanta ma oggolin.” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale

Hargeysa (SLpost)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa ka hadlay muranka ka taagan natiijada Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo sababay rabshado ka kala dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco Khamiistii shalay, waxaanu ugu baaqay dhinacyada ay khusayso in sifaha sharciga loo maro hannaanka doorashada.

Garaadka Guud ee Gobolka Sool oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood, waxa uu murashaxiinta ugu baaqay inay aqbalaan isla markaana u hooggaansamaan natiijada Doorashada isla markaana mid kastaaba guusha ku hambalyeeyo madaxweynaha la doortay.

HOOS KA DAAWO HADALKA GARAAD JAAMAC

https://youtu.be/XdXb6bSHMr0