SOMALILAND Ma Qaadi Kartaa Laba Doorasho oo Isa Saaran? – QALINKII: Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

MaxamedWada-qabashada Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiiladu ayaa muuqata inay tahay arrin ay isku raaceen axsaabta siyaasadda iyo doorashooyinka. Heshiiskani uma muuqdo mid ay dhinacyadu raali ku wada yihiin, balse waa mid dhan waliba u qaatay si uu kan kale jiq ugu siiyo. Xaajadu waa “ dhan kastaba ha lagu qado”. Marka ay siyaasiyiintu noqdaan kuwa isku muuqda, waxay isla dulmaraan dadka iyo dalkaba. Maaha, heshiisku mid lagu gaadhayo xal dib loogu saxayo qabyada iyo qalloocii jiray, balse waa mid lagaga baxsanayo xiisaddii-khilaafeed ee jirtay, la iskuna aamusayo iyadoo la arkayo cawaaqibka ka dhalan kara waxa la isku gacan-qaadayo. Dadkuna markan iyagoo gabiyo kasii dhacaya ayaanay iska qaban.

In la sameeyo doorashooyin isa-saar ah waqtigan, waxa dadka loogu sheegay inay keentay dhaqaale yaraan. Waa sabab u eeg macquul, marka hal goob-codbixineed la dhigo laba sanduuq oo u kala taagan laba xilli-doorasho. Codbixiyuhuna hal mar wada doorto wakiilkiisa iyo madaxweynihiisaba. kharashkii hal-doorasho ku bixi lahaana, loo adeegsaday laba doorasho oo isku dhaqaale iyo hawlba ahaan lahaa. Su’aashu se waxay tahay, Somaliland miyay garan wayday is-raacintan,intay qabanaysay doorashooyinkii isdaba-socodka? Misa xaaladda dhaqaale ee maantu way ka liidataa tii waqtiyadi hore ? Hadday sidaasba tahay, korodh miisaaniyadeedyadan sannada walba la inoo sheegaa hadaba ma beenbaa? Misa qaadhaan-bixiyaashii ayaa doorkan inoo aamusay?

Muwaadin,haddaad adigu sababaha dhaqaale qaadatay, anigu kulama qabo. Una malayn maayo in uu dhaqaalaha doorashooyinku yahay caqabadda jirta ee keentay in la isa-saaro doorashada Madaxweynaha iyo tan wakiilada. Balse caqabada jirtaa waxaan aaminsanahay inay tahay, indha la’aanta damac ee siyaasi-ismoodkeena. Mar haddii xil-kordhin xukuumadeed noqday arrin la iskaga dhaartay, iyaguna, wakiiladii muddo-dhaafka ahaa u sheege, in aanay xilka kaga sii dambayn oo hal mar la wada gali doono garoonka.

Hadaba, in la yidhaahdo laba dhadhaar oo ka mid ah, dhadhaaradii qaranku ku fadhiyay loollan hal mara ha wada galaan, waxay ila tahay, dawladnimadii oo lagu khamaaray. Doorashooyinku waa marxalad siyaasadeed oo cawaaqibkeeda la sii oddorosin karin. Markaas maaha, in la inoo hadoodilo khataraha ka dhalan kara doorashooyinkan isa-saaran.Ogow, in uu seeskii qaranku dumay, haddii uu khal-khal galo hannaanka codbixinta ama natiijadeedaba noqoto mid dhinacyadii ku loollamayay ku qanci waayeen amaba, aan helin kalsoonidii dadweynaha. Sababtoo waxaynu hal mar kala-dirnay baarlamaankii iyo xukuumaddii , waxa qudha ee laga tagayna waa Golahan Guurtida, ee illaa maanta lagu dhiiran laayahay xeer-doorasheedkeesii . Miyayna markaas ahayn doqonnimo kale oo tii lixdankii ka daran, mar haddaynu ka faaidaysan waynay waayo-aragnimadeenii hore. Miyaynaan u dumin, waxaynu maal iyo naf usoo hurnay si aynu u raali galinno rag kursi-ku-dirir ah. .

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay meesha ka saaraan hubaal la’aan siyaasadeed (Political uncertainty) oo ka dhalata doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada ee isa-saarka ah. Kuwaasi oo ku doodaya in hannaanka farsamo ee doorashoyinkan loo samaynayaa uu yahay mid la isku hallayn karo. Doodda noocan ahi, maaha mid macquul ah, waayo hore ayaynu usoo aragnay qalab xog-keydiye ahaa oo sidii la filayay u shaqayn waayay. Masiirka qarankan ee inoogu taaganyahay naf , maal iyo waqti badan oon dib loo heli Karin, mana qaadan karno in la yidhaahdo maanta waxa lagu aaminayaa Mishiin ama seerfar yar oo dalkale lagu soo farsameeyay.

Marka laga yimaado, farsamada iyo dhaqaalaha, hannaan doorasheedkuna waxa la baaxaadagayaa caqabado sharciyeed oo aan waxba laga qaban. Gobol-doorasheedyada dalkana oo illaa doorashooyin hore abuuray khilaafyo deegaan iyo codbixineed ayaan illaa maanta si rasmi ah xeer loogu kala xadayn. Sidoo kale hannaan doorasheedkeenu malaha Nidaam Garsooreed rasmiya (Electoral Justice System) iyo xeer ciqaabeed qeexaya fal-dambiyeedyada la xidhiidha Doorashooyinka (electoral offences). Mana sugna illaa maanta waxa laga yeelayo, qofka foorjar-gareeya waraaqaha codbixinta, si aan sharci ahayn u liisgareeya amaba u saxeexa waraaq-codbixineed, ama fidiya warbixin been ah, ama marin-habaabin ah oo la xidhiidho warqaaha codbixinta iyo tirintoodaba. Lama garan karo fal-dambiyeedka lagu qaadayo masuul xisbi ama xukuumadeed ee si sharci darro usoo faro-galiya goobaha codbixinta. Sidoo kale,ma jiro nidaam sharciyeed oo lagula xisaabtamo, masuuliyad darrada iyo xilgudashada la’aanta ka timaada Gudida Doorashooyinka iyo hawl-wadeenaday usii igmatay waajibaadkeegaasi.

Iyadoo ay taasi jirto, in sidii doorashadii dhawayd ee golaha deegaanka indhaha lagu kala qaado, boob iyo wax-isdaba-marin doorasheed oo aan cidna lagula xisaabtamin fal-dambiyeedyadaasi iyo masuuliyad darradaasi, maaha wax mar kale loo dulqaadan karo. Doorashooyinkanina waa heer qaran,waanay ka xumad iyo xasaasiyad badanyihiin kuwii hore, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa, in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada la kala qaado. Mar haddii uu hannaan doorasheedkeenu aan wali gaadhin heer uu farsamo ahaan,dhaqaale ahaan iyo sharci ahaanba isbixyo. Sidoo kalana lasii eego cawaaqibka iyo waxyaabaha suurtagalka ah ee saamayn ku yeelan kara deganaanshaheena siyaasadeed iyo xasilloonid guud ee qaranka.

Garyaqaan Maxamed Axmed Cabdi Bacaluul

(252 63 44 88 011)