SOMALILAND: Ma liicin, ma laalmin, mana lumin – Qormada 4aad ~ Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta

Somaliland waa Somaliland, Mudane Siilaanyana waa Mudane Siilaanyo. Waa laba kala duwan oo haddana isa sudhan. Somaliland aan Somaliland u deynno, iskumana diiddanin. U soo noqo haddaba Mudane Siilaanyo. Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waa Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda, saamayntiisana waa uu ku leeyahay dal iyo dadba. Saamayn togan iyo mid tabanba waa uu yeelan karaa. In la iska nebcaado ma aha, in la iska caashaqana ma aha. Hadba sida uu u hawl-galo ee uu xilakiisa Dastuuriga u guto waa in wax loogu qaadaa. Waa in loogu sed-kordhiyaa ama lagu dhalliilaa. Dedaalka iyo digtoonida waa lagu dugsanayaa, demmenaanta iyo dareen-la’aantana waa lagaga durkayaa. Wax kale ma jiraan oo aan ahayn dhalliil la dhalliilayo, taasina waa mid Dastuuriya oo xaq iyo xeerba loogu leeyahay. Waxba Xukuumaddiisu ma qaban lama odhan karo oo taasi waa been in kasta oo xaalku daar iyo derbi u badan yahay oo weliba sidaa ay tahay Daartii Daaruhu weli dunsan tahay (State House), tabashaduna waa ay badan tahay. Weliba mid aan iska dheh ahayn, bal se garowshiiyaheeda wadata. Kaasi, ma aha mowduuca aan maanta u anbo-baxay e’, aan soo kala fireeyo aniga oo dulucdeennii ku soo noqonaya, tuducan Cashuurna ku soo xidhaya:

“Cayduba mar bay tahay nasteex, Cali-sandheerow,

 Oo ad cawradaadoo dayacan, calalka saartaa,”

Haddii ay xukuumadda jirtaa xagal-daacdo ama ay xilkeedaba gudan weydo oo dhalliilo muuqdaan, taas macnaheedu ma ahaa Somaliland ayaa liicday, laalantaya amaba luntay. Xaasha! Somaliland waa xoog aan lagu khuukhin karin Soomaaliya iyo dhismayaasha la dhoob-dhoobayo ee ka jira. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Lax (Ri’) waliba shillalka ay is-dhigto ayaa lagu qalaa (gowracaa).”

Somaliland shillal ma taal, mana oolli karto. Somaliland cid shillal dhigi karta oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay ahayni ma jirto. Shillal Somaalilaand qaadaaba ma jiro. Shillalka cid ayaa is-dhigi karta oo waa Xukuumaddeenna aynu maanta u tirinayno in ay  ka gaabisay xilalkeedii in badan oo ka mid ah, weliba waqtiyadan xasaasiga ah ee aynu marayno. Waxan aan idiin qorayaa waa ra’yigayga shakhsiga ah, qasabna ma aha in aad wada qaadataan. Waa wax la igu diidi karo, taasina wax la yaab leh ma aha oo dood dadweyne ayay gelaysaa, gar-naquna halkaas ayuu ku jiraa, Ilaahay ayaa garsoore ah e’.  

Soomaaliya kama ay bixin xukunkii ku-meel-gaadhka ahaa, bal se Somaliland ayaa xilliyo hore ka baxday. Dastuurkii ayaa loo codeeyay oo aanu Baarlamaan qabiilooyin lagu soo soocay dejinnin. Golayaashi Degaanka, Golihii Wakiillada iyo Madaxweynuhuba doorashooyin goob-joogayaal caalami ahi ka gar-naqeen oo ka war bixiyeen ayaa lagu soo doortay. Doorashooyin aan dhiggooda lagu arag Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waa laga markhaati-furay in ay ahaayeen doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Annagu keligayo ma aanu odhan ee Caalamka ayaa marag ka ahaa. Waa halkaa halka ay Somaliland taagan tahay. Waa meeqaan iyo maqaam aan cidina kaga gacan-sarrayn karin, inta hagaysa ama hoggaaminaysa oo hagrata mooyaan e’. Somaliland meel looga cabsado ma joogto.

Ma aha in aynu ku dawakhno Soomaaliya ayaa ka baxday ku-meel-gaadhkii, Mareykankuna waa uu ictiraafay iyo safiirro ayaa yimid oo waraaqahoodii aqoonsiga qaddimay. Ma aha maantana in ay aynu beyr ka sii qaadno Golihii Ammaanka ee QM ayaa cuno-qabatayntii hubka ka qaaday. Ma hub ayaa wax inaga qaadaya? Sow tii la wada ogaa wixii aynu u soo joognay iyo farxaddii aynu ugu heesnay geelahii fircoon waday, waa halkii Hadraawi e’. Hubka se miyaynaan wax ku lahayn?

Soomaaliya awalba waa la aqoonsanaa ee iyada ayaa la la’aa. Immika ayay is-yidhaahdeen malaha waad hesheen, bal se baadideedii wax u eg ayay arkeen. Burburkeeda iyo baaba’eeda ma jeclin ee Ilaahay ha badbaadiyo, xaqana ha tuso.

Sow tii uu Hadraawi, maansadiisii Sirta Nolosha ku lahaa:

“Qof saluugay maankiisa,

 Ka sal-kacay xaqiiqdiisa,

 Qabku saami ladha maaha,”

Xaqiiqada dhabta ahi waa taas. Somaliland waa xaqiiqo dhab ah oo ka jirta geeska Afrika cid dafiri kartaana ma jirto. Ma aha in aynu u qaadanno in aynu keligeen adduunka u baahan nahay. Xaashaa Lillaah! Innaga qudheenna adduunka ayaa inoo baahan oo aan inaga maarmayn. Is-ma arkaynno innagu, laakiin xaqiiqada jirtaa waa taas.

Gebegaba Sheekada:

 

Maalin ay shacbiga Soomaaliland ka shaki badan yihiin inama soo marin. Taasina wax iska yimid ma aha. Gude iyo dibadba dadka dhegaha ayaa taagan. Qurbo-joogtii waa ay qaylinaysaa. Gudihii waa uu qalaadayaa. Qoon ku dhacday iyo qac nabar ah ma aha. Qaylo-dhaantu waa qawad……Waa saluug aan lagu qanaqcsanayn xukuumaddeennan fadhiidka ah ee aan isku-xidhka iyo wada-shaqaynta lahayn. Waa qanac ka yimid hawl-galka taban ee xukuumaddan aynaan mahadin ee inala anbatay. Waa quus ka timid qaddiyaddan ummadeed ee qof xukuumadda ka tirsani shandadda ku qaatay ee hadba sida uu doonayo uga tarjumayo ee aanay taladeeda iyo tusmaynteeda cidi la wadaagin.

Bishi Ogos 1984kii goor ay casar ku beegnayd ayuu shirweynihii 4aad ee SNM ka furmay magaalada Jigjiga. Wuxu Shirweynuhu ku furmay Aayado Quraan ah. Ka dib koox faneed oo Itoobiyaan ahayd oo aan u malaynayo in ay ka timid Magaalada Jinacsani oo Jigjiga waqooyi-galbeed kaga toosan ayaa heeso noo qaadday. Waxa ka dhex muuqday oo fan-jacaylkii la jibbooday Mujaahid Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius) oo hees jaceyl ah oo Qaahira la yidhaahdo noo qaaday. Halkudheggeedii haddii aan xusuustu i dagin waxa uu ahaa: “Webigow Dalaa, dala.” Wuxu la hadlayay webiga Niilka oo uu ku lahaa: “ha ila anban ee aayar ila dulundulcee.” Axmed ‘Genius’ oo galabtaa suudh buunniya xidhnaa ayaa wuxu madashaa ka qaaday maanso caan-baxday oo la yidhaahdo ‘Dhayalsi’ dadka intiisa badanina u taqaanno ‘Dharaaraa na soo maray.’

Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo maantana ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maalintaa ama galabtaa goob-joog ayuu ka ahaa oo waa uu soo lignaa oo waxay ahayd markii koowaad ee loo doortay Guddoomiyaha SNM. Maansadaa ‘Dhayalsi’ tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Intay dhibibidee hore,

 Intay dhididday ee kale,

 Intay dhaqan xumaatiyo,

 Intay dhacantay Maandeeq,

 Midna kuma dhadhabayee,

 Yey dhalliili doonaan,

 Hadday dhacanto maantana,”

 

Ilaahay, waa ka Mudane Axmed Siilaanyo, labadaa maalmoodba soo wada joojiyay. Haddii uu taa hore illoobay maantaba waa iga xusuusin ee mar labaad dhegihiisu ha maqlaan, idhihiisuna ha arkaan wixii loo soo shahiiday iyo dardaarankii Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius).

(La soco……………………………………………….)