“Somaliland ku dhismi mayso in dadkaas (la Xasuuqay) xaqooda la aaso oo laga gabbado oo la yidhaa cid baa ka xanaaqaysa haddii la soo qaado” – Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyey in caddaaladda la hor keeno shakhsiyaadkii ka tirsana dawladdii millateriga ahayd ee Siyaad Barre, isla markaana ku eedaysan inay xasuuq ka gaysteen Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu aad u dhaleeceeyey shakhsiyaad uu sheegay in ay meel kaga dhaceen dadkii dawladdii Siyaad Barre xasuuqa u gaysatay iyo mujaahidiintii, isagoo tilmaamay in dadkaasi dembi ka galeen Somaliland.

Muuse biixiGuddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlayay maanta mar uu ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyay 44 qof la xasuuqay, isla markaana maydadkooda laga soo saaray xabaalo wadareedyo uu ku riday taliskii Maxamed Siyaad Barre. “Dadkii dadkan laayey waa in maxkamad la soo taaga, laba xaq baanay xaq inoogu leeyihiin. qaddiyadii ay u dhinteen oo ah madaxbannaanida Somaliland in siddeeda loo ilaaliyo iyo in iyaga iyo intii halgantay karaamo iyo sharaf la siiyo iyaga iyo ubadkoodaba. Waxay xaq u leeyihiin dadkii waxaas gaystay odhan mayno qabiil bay ahaayeen waa dawlad bay ahaayeene oo cid walba way lahaayeen, hadday nool yihiin iyo hadday dhinteenba waxay  u baahan yihiin in la dabagalo oo caddaalada la mariyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi wuxuu farriin u diray shakhsiyaad uu sheegay inay ka soo hor jeestaan marka la soo hadal qaado xasuuqii Somaliland loo gaystay, waxaanu yidhi; “Waxaan farriin u dirayaa maalmahan waxa soo baxay dad waaweyn oo waliba meelo fagaareyaal ah ka hadla oo yidhaahda dadku wuu is wada laayee qolada SNM u badnayd maxay u yidhaahdaan waxbaa la xasuuqay iyo wax baa la galay, taasi waa qalad, waana dembi labaad, waanay ka daran tahay kuwii xasuuqay. rag baa intay masaajido cod baahiye kala kaceen yidhi wuxu waa isku mid ee maxay la qaylinayaan Soomaalidu way is wada dishee, waar ismay diline ummad baa la dulmay oo dawladi u cabiidsatay oo xooggii dawladda lagu dilay, ma jiro cid kale oo sidaa loo dilay, markay burburtay Koonfurtu iyaga gobol gobol isku qabsaday, balse halkan (Somaliland) awooddii Soomaali ka dhaxaysay oo dawladdii oo dhisan ah ayaa si gaar ah ummaddan u xasuuqday.”

Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu intaa ku daray in waqtiyadan hoos loo dhigo shakhsiyaadkii dalka u soo halgamay, isagoo ku baaqay in la dabagalo dadkii xasuuqa gaystay, waxaanu yidhi; “Waxa kale oo iyana wax aan la qaadan karin ah dadkii, kuwaas ka dagaalamay in hoos loo dhigo oo aan la karaamayn maanta, xataa ay gaadho kaasi waa SNM oo hoos loo yaso, halkay ka ahaan lahayd in kuwii dalka xorreeyey la karaameeyo.”

“Waxaannu cod dheer ku leenahay waa in la helaa dadkii dadkaas la laayey had kasta ha gaadhee in maxkamad la saaro. Waad ogaydeen tii Cali Samatar tii ka taagnayd oo dad badani ka soo horjeesteen oo ay leeyihiin waxba muu xasuuqin, boqolaal la mid ah oo nool oo kuwii kiiskan galay ah baa jooga, maxaa looga gabbanayaa? Somaliland ku dhismi mayso in dadkaas xaqooda la aaso oo laga gabado oo la yidhaa cid baa ka xanaaqaysa haddii la soo qaado,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET