Somaliland iyo Sweden oo ka Wada-hadlay Horumarinta Arrimaha Haweenka iyo Qodobbo kale

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Wasaaradda shaqada, Arrimaha bulshada iyo Qoyska, ayaa kulan Magaalada Hargeysa kula qaatay saraakiil ka socda Safaarada Dalka Sweden ku leeyahay Nairobi, waxaanay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladdood, gaar ahaan arrimaha khuseeya horumarinta Haweenka.

Sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyey Bog Wasaaraddu ku leedahay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Xirsi Gaani iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Cabdirashiid Xasan Cabdiraxmaan, ayaa xafiiska Wasaaradda ku qaabilay madaxa waaxda Iskaashiga iyo Horumarinta ee Safaarada Sweden oo hogaanayey Weftiga Sweden iyo xubno kale oo wehelinayey.

Qoraalka ayaa lagu yidhi sidan:- “Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay madaxa iskaashiga iyo horumarinta ee saafarada Sweden ku leedahay wadanka kenya.

Kulankaasoo lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar gelinta wada shaqaynta labada dal.
Waxaana kamid ahaa qodobada ay kawada hadleen horumarinta haweenka Somaliland iyo ka qayb galka siyaasadda iyo shaqo abuurka.

Dhanka kale waxay taageereen waxqabadka balaadhan ee ka socda guud ahaamba dalka.” ayaa lagu sheegay warkan oo bogga Wasaaradda lagu daabacay 4-tii bisha November oo ku beegan Isniintii shalay.

Somalilandpost.net
somalilandpost@live.com