Hargeysa (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in Xukuumdad ahaan ay u taagan yihiin madaxbanaanida Somaliland, islamarkaana ay ay Somaliland yo Somaliya yihiin labad dal oo deris ah.
“Soomaaliya iyo Somaliland waa labo wadan oo jaar ah, cid nagu matasha ma jirto Doorashooyinka ka dhacaya Somalia, horayna waanu u sheegnay, haddana waan ku celinaynaa, Arrimaha geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya wax innaga na quseeya ma ahan.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo u waramay BBC
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre waxa kale oo uu intaas ku daray In Somaliland sanadka soo socda uu ku soo fool leeyahay ka qabsoomayaan doorashooyin oo ay u taalo shacbiga Somaliland ku nool oo aanay khusayn Somaaliya.
Somalilandpost.Hargeysa