Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Arrimo Xaasaasi ah iyo Xiisadaha ka soo kordhay Xidhiidhka Siyaasadeed ee Soomaaliya (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo dalka booqasho ku jooga.

Kulankan oo xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha gudaha iyo dibadda Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Sacad Cali Shire, waxaana ay labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka  ay Somaliland la leedahay qaramada midoobay, isla markaana loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.

muuse biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay (17)Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, ayaa markii uu soo dhammaaday waxa warbaahinta faah-faahin ka siiyey wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu tilmaamay inay labada dhinac kulankooda ku lafo-gureen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee ka dhexeeya Somaliland iyo Qaramada midoobay.

“Wefti ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee  jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa , ayaa halkan inoogu yimi, waxaana isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaaba la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqada iyo is-kaashiga jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland, waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa kamid ah arrimo la xidhiidha siyaasadda, dimuqraaddiyadda, nabad-gelyada, dhaqaalaha iyo mucaawimada, kulankaasina si wanaagsan iyo jawi wanaagsan ayuu ku dhacay, waxaana aanu rajaynaynaa in xidhiidhkii wanaagsanaa ee wada-shaqaynta ahaa ee aynu la lahayn Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu halkaas kasii socon doono,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Michael Keating  oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna yidhi, “Halkan waxan u imi  inaan kulan la qaato madaxweynaha cusub, waxaana aanu kulan heersare ah ka yeelanay meelaha ay muhiimadda gaarka ah siinayso xukuumadda cusubi iyo sidii aan shacabweynaha reer Somaliland ugu hambalyeyn lahaa madaxweynaha cusub ee ay doorteen sanadkii hore, isla markaana aan muhiimad gaar ah siiyo qorsheyaasha xukuumadda cusub, sida ammaanka, ka hortagga abaaraha, shaqo-abuurka loo samaynayo da’yarta, xoojinta caafimaadka iyo waxbarashada, madaxweynahana waxaan u sheegay inay qaramada midoobay diyaar ula tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahayd wixii caqabado ah ee jira.”

Sida lagu baahiyey barta Internetka ee Xafiiska Siyaasadda Qaramada u Qaabilsan, waxa ay labada dhinac ka wada-hadleen arrimo siyaasadeed oo khuseeya Amniga gobolka, ismaan-dhaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Soomaaliya.

In kasta oo ujeeddada ugu weyn ee kulanku ahaa mid lagu ibo furayo xidhiidhka xukuumadda cusub iyo wada-shaqaynta Qaramada Midoobay gaar ahaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, waxa labada dhinac ka wada-hadleenismaan-dhaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya oo ay ku jirto dhinacyada Maamulka Hawada Sare oo Somaliya maamulkeeda dhowaan kala wareegtay Qarmamada Midoobay.

Socdaalka Erayga Qaramada Midoobay oo noqonaya kii ugu horreeyey ee uu dalka ku yimaaddo tan iyo intii la doortay madaxweynaha Cusub, waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay jirto xiisado siyaasadeed iyo isku-dhacyo ciidan oo dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay ka mid yihiin dagaal todobaadkan ka dhacay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

 

SOMALILANDPOST.NET

Conctact@somalilandpost.net