Somaliland iyo Dalalka Khaleejka Carabta oo Xaqiijiyey inay Berri Ramadaan Tahay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi, ayaa shaaciyey in maalinta Barri ah tahay Ramadan isla markaana la ciidi doono Maalinta Axadda.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland waxa uu bulshada Somaliland Eebbe uga baryay inuu ka aqbalo Kheyrka iyo Cibaadada ay ku soo jireen Bisha bisha Ramadan.

Halkan ka dhegayso Codka Wasiirka

wasiirka Awqaafta2

Dhinaca kale, Dawladaha dalalka Khaleejka Carabta, gaar ahaan Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa shaaciyey inay bisha Ramadan tahay 30 isla markaana la ciidi doono maalinta Axadda ah ee 19ka August.

Dad badan oo soomay maalintii Jimcaha ayay u noqonaysaa Bari Insha Allah maalintii 30-aad inkastoo ay jiran dad badan oo soomay 28 oo ay u noqonayso u noqonayso 29 maalmood.

Dowlada Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qadar ayaa war ka soo saaray in maalinta Axadda ay tahay maalinta koobaad ee ee bisha Shuwaal ee Ciidal-Fitriga.

Saraakiil ka tirsan dacwada Dowladahaas ayaa Muslimiinta ugu hanbaleeyay soonkooda uguna baaqay in ay dhamaystiraan maadaama hal maalin ay ka hadhsan tahay.