Somaliland: Isu-socodka Gaadiidka iyo Isu-soo-baxa Munaasibadda Ciidul-Fidriga oo Go’aamo laga soo saaray

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer qaran Covid-19, ayaa maanta shaaciyey go’aamo hor leh oo lagu xakamaynayo dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo isu-socodka gaadiidka inta lagu gudo-jiro munaasibadda Ciidal-fidriga si looga hortago faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Guddiga ayaa markii ay wada-tashi la yeesheen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Dhakhaatiir Khibrad durugsan u leh sida laysugu gudbiyo Xanuunka Covid19, waxa ay go’aamada ay soo saareen ku joojiyeen Isu-soo baxa maalmaha Ciidda iyo Tukada Salaadda Ciidul-fidriga ee Masaajidada iyo Garoomada.

Guddiga oo go’aankooda ku shaaciyey shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Hargeysa, waxa ay go’aankooda ku joojiyeen Guud ahaanba Isu-socodka Gaadiiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay Ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.

Waxa kale oo go’aamadan farriin loogu diray Mulkiilayaasha Garoomada iyo Goobaha Caruurtu Ku Ciyaarto inaan la furi karin si looga bad baado faafitaanka Xanuunka Covid-19, waxaanay Guddigu ku amreen laamaha Ammaanka ee Dalka inay ku hawl galaan fulinta iyo u-hoggaansanaanta go’aammadan.

Muuqaalka Hoose kaga bogo hadalka Guddiga

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net