SOMALILAND: Isbar-bardhigga Siilaanyihii Shalay iyo Siilaanyaha Maanta

Hargeisa (SLpost)- Dabeecadda Siyaasiga ayay tahay inuu ballan-qaadyo tiro badan oo dareenka Shacabka soo jiita ka jeediyo fagaareyaasha uu kula hadlo dadka taageerayaashii ah xilliyada uu loollanla doorashada ku gudo jira, isaga oo inta badan diiradda saaraya meelaha ay ka nugushahay cidda ama maamulka talada haya markaas ee hirdanka Siyaasaddu ka dhexeeyo.

Haseyeeshee, fulinta ballan-qaadyadaas qaarkood waxa ay culays aan la qaadi karin iyo timo baabaco ka soo baxa ku noqdaan Marka uu masuulkaasi Ku guulaysto Doorashadii uu loolanka u galay.

Madaxweyne Siilaanyo_Turkiga

Somalilandpost.net
Hargaysa