Somaliland: Hanti-dhowrka Guud iyo Wasaaradda Qorsheynta oo Eedaymo Xambaarsan Fadeexado Musuq-maasuq u Gudbiyey Hay’adda WFP

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhawrka Somaliland iyo wasaaradaha ay khusayso hawlaha Mashaariicda WFP ka wado Somaliland gaar wfpahaana wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa manta masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Cuntada Adduunka WFP u bgudbiyey Eedo ka dhan ah Raashinkay ay hay’adaasi maamusho oo ay ragaadiyeen maamul xumo iyo musuq maasuq.

Kulan ay Xukuumadda iyo WFP ku wada yeesheen wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayey ilo wareedyo u dhuun daloolay sheegeen in ay Xukuumadda Somaliland ku hor dhigtay masuulioyiinta ha’addaasi warbixino ay ka soo diyaariyeen Goboladda Barrie e Somaliland, kuwaas oo ay hay’adaasi sadexdii sano ee Madaxweyne Siilanayo talada dalka hayey loo leexiyey, waxaanu macluumaadka la hor dhigay u badnaa musuq maasuq baaxad leh oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin masuuliyiinta Hay’adaasi.

Xafiiska Mucaawinada WFP oo la kowsaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa tiraba sadex masuul laga bedelay ka dib markii uu khilaaf la xidhiidha arrimahan musuq maasuq ee hada soo shaac baxay cilinkooda la saari waayey, hase yeeshee Agaasimaha Xafiiskaasi ayaa qaylo dhaantan iclaaminayey tan iyo intii uu xilka qabtay.

wfpMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuude Siilaanyo ayaa guddi wasiiro ah u saaray baadhitaanka musuq maasuqa lagu sheegayo Hay’adaasi, guddidaasina waxay hawl gelisay Hanti-dharka kaasoo si qoto dheer baadhitaan ugu waday bilahanba, waxaanay xukuumaddu talo ku gaadhay inta aanay talaabo ka qaadin hay’adda WFP in ay marka hore u bandhigto Fadeexadaha dul yaala.

Ilo wareedyada kulankan ka soo tabiyo warkani waxa ay sheegayaan in masuuliyiintii ka socotay WFP ay ka war wareegeen in ay aqabalaan natiijada ka soo baxday baadhitaana ay Xukuumaddu samaysay, hase yeeshee waxa la sheegay in ay dalbadeen in toddobaad la siiyo si ay dhinacooda usoo xaqiijiyaan arrintan.

Dhinaca kale, Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa soo saaray Wareegto uu Hay’addaha Deeqaha bixiya iyo kuwa Xukuumiga ku farayo inay dalabka Mashaariicda, codsashada iyo bixinta Mashaariicda Hay’adda WFP si sharciga dawladda waafaqsan u maraan, isla markaana aanay WFP bixin Karin mashruuc aan ogolaanshiyo ka haysan Hay’adda Dawladda u qaabilsan xidhidhinka Mashaariicda ay fuliso.

COURTESY: Waaheen.com