Somaliland: Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta Isugu yimi Fadhi aan caadi ahayn, ayaa dood iyo falan-qeyn ka yeeshay Oddoroska Miisaaniyad-saneedka dowladda ee 2020-ka, iyadoo fadhiga diiradda lagu saaray hay’adaha u baahan in miisaaniyadooda kor loo qaado.

Fadhiga oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa ay wasaaradda maaliyaddu soo bandhigtay Oddoroska miisaaniyadda sannadka 2020-ka oo xaddigeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba tirilyan, 752 Bilyan, 304 Milyan, 880 kun iyo 98 Shilin Somaliland ah, taas oo sida uu afhayeenka Madaxtooyadu sheegay boqolkiiba 18 ka badan miisaaniyadda sannadkii hore.

Odoroska miisaanaddan oo noqonaysa tii 29-naad ee Somaliland, madaxweyne Muuse Biixi ayaa cod gacan-taag ah in lagu ansixiyo miisaaniyadda ka dalbaday wasiirrada fadhiga ka qayb-galay oo cod aqblabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyadda.