Somaliland: Go’aammo Laga soo Saaray Ciyaartii Shalay Dhex Martay Gobolada Awdal iyo Hawd

Hargeysa (SLpost)- Xidhiidhka kubbadda cagta Somaliland ayaa digniinno kama dambeys ah siiyay gobolka Hawd iyo garsoor ka mid ah kuwa ciyaartii shalay garsoorayay. Xidhiidhka ayaa shir jaraa’id ku sheegay in garsoorahaasi ku kacay khalad, khaladkaasi oo aannay faahfaahin.

 

“ Waxaannu ganaaxnay hal garsoore iyo koox. Hal garsoore oo ka tirsan garsooreyaasha gobolka Awdal oo ah garsooreyaashii loo xulay inay garsoorida ka qayb qaataan ayaanu digniin siinay , falal uu sameeyay darteed, taas oo haddii uu mar dambe sameeyo uu ka joogi doono garsoorka,” ayuu yidhi Xidhiidhka kubadda cagtu.

 

Sidoo kalena Ciyaartoyga Gobolka Hawd ayaa lagu canaantay inay xammili waayeen shiid kaga yimid taageerayaasha ciyaarta daawanayay, waxaana lagu eedeeyay inay dadka la shiitameen “Markii qaar ka mid ah taageerayaasha Awdal shiideen ama wax ku tureen ciyaartoyga Gobolka Hawd, ayaa ciyaartoyga Hawdna dadkii dib ula shiitameen. Waxaanu siinay digniin kama dambeysa oo aanu ka joojin doono ciyaaraha dambe haddii ay mar dambe taas oo kale sameeyaan,” ayuu sheegay Xidhiidhku.

 

Ciyaarta Shalay dhexmartay Hawd iyo Awdal ayaa guusho gool iyo eber ku raacday Awdal, inkasta oo kooxda Hawd warsaxaafadeed ku sheegtay in gool ku dhashay rabshad kaga timid Taageerayaasha Awdal.