Somaliland : Faraha, Falagga Iyo Afarta-Madax-weyne Maxaa Ka Dhexeeya? – W/Q/Maxamed Faarax Qoti

farahamadaxInkastoo aanay caado ii ahaan jirin wax ka sheega masuuliyiin xijaabtay iyo kuwa hadda nool, haddana   waxaan halkan ku iftiimin doonaa qormo hore oo male aadame aanu ku mala’awaalayey, taasoo ahayd xihiidhka ka dhaxeeya Faraha iyo Falaga, isla-markaana, waxaan akhristayaasha sharafta mudan ee xiiseeya Akhriska iyo qoraalada ay ku adkaan doonto fahamka qormadanayan, waa Akhristayaasha ay da’doodu ka yar tahay 30-Sanno jir.

Haddaba marka aynu eegno Faraha ku yaala gacmaha Aadamaha waxa lagu tilmaamaa inay yihiin Afar-Farood, laakiinse aanay jirin mid shanaad, kuwaas oo kala ah sida:-   Far-yarro, Faadumo, Far-dhexo, Murdiso, waxaynu qormadeenan ku eegi doonaa xidhiidhka ka dhaxeeya Faraha, Falaga iyo Afarta Madax-weyne ee Somaliland ka soo taliyey.

Far-yaro : – Waa Farta ugu yar Faraha Gacmaha Aadamaha ku yaal, isla markaana waxa lala xidhiidhiyaa meere ka mid ah meerayaasha xidigiska ee illi maqabatayga, kaasoo loo nisbeeyo dhinaca isgaadhsiinta , iyo jinsiga, sidoo kalena waxa lagu tiriyaa inuu leeyahay hammo sarre, hindise , xidhiidhin iyo xoriyad maskaxeed, waana kuwo ku xidhan dadka ugu fiican dhinaca dhaqaalaha eel eh aragtida fog.

Faadumo:-   Farta- labaad ee faruhu waxay khusaysaa meerayaasha Apollo iyo jilboole, waxaana loo eegaa inuu yahay mid leh Abuurid-himilo, wax-qabad, currin iyo ka midho dhalin, sidoo kalena waxa lagu suureeyaa ruuxi lagu lamaan yahay.

Far-dhexo:-  Farta dhexe ee faraha waxa lala xidhiidhiyaa meeraha jilboole, kaasoo lagu tilmaamo cadaalad, wax-garad iyo garawshiyo -la’aan, waxa kale oo lagu tiriyaa inuu ka sameysan yahay dun xariira oo fiican, xasilooni iyo masuuliyad, laakiinse, haddii Farta -dhexe ay aad u dheeraato ama faraha kale ka gaabnaato, waxa lagu macneeyaa in ay tahay astaamaha lagu garto , in aanay dheeli-tirnayn wadada aad marayso iyo ta xukumaddaha, dadka la darajada ahi ay maryaan .

Murdiso: – Tani waa dariiqada hiigsiga horumarka, waxa la xidhiidhiyaa meeraha mushtar, Farta sharaxaada ama tilmaanta, waxa loo eegaa inay leedahay dhisid-mustaqbal, dhex-dhexaad, niyad, tamar, iyo isku kalsooni, laakiinse, haddii murdisadaasi ka dheeraato farta-dhexe ama ay ka gab-naato waxa ku tusinaysaa dariiqada tayadda hogaamintiisa iyo go’aankiisaba, in halgan iyo kacdoon laga hor yimaado amaba si dhib yar uu iskaga dhameeyo.

 

Maxamed Faarax Qoti