Somaliland: Fadhiidnimo soo foodsaartay Rugta Ganacsiga iyo Hawlihii ay qaabbilsanayd oo lala wareegay

Hargeysa (SLpost) – Fadhiidnimo baahsan ayaa soo food-saartay Rugta Ganacsiga Somaliland, kadib markii ay si toos ah u gabtay badiba hawlihii ay qaranka u qaabilsanayd iyada oo qaybo ka mid ah hawlahaasna sababo aan la garanayn ugu wareejisay hay’ado kale oo aan dastuuri ahayn.
Rugta Ganacsiga Somaliland oo ah hay’ad qaabbilsan horumarinta iyo isku-xidhka ganacsatada, samaynta xidhiidhada caalamiga ah ee ganacsatada dalka iyo maalgashadeyaasha debedda, soo saarista diiwaan sannadle ah oo laga heli karo xogaha ganacsiga ee dalka, soo-saarista ruqsadaha ganacsiga, wax-dhoofinta iyo soo-dejinta iyo qabashada carwooyin ganacsi oo dalka ka hirgela, ayaa wakhtigan maraysa xaaladdii ugu xumayd, kaddib markii ay gudan kari weyday badiba hawlqabadyadaas.
Sannadkii 2011-kii ayay Rugta Ganacsiga Somaliland gebi ahaanba wareejisay hawlihii carwooyinka ganacsiga ee dalka, iyada oo ay hawshaas si aan sharciga waafaqsanayn ula wareegeen dhalinayaro iskood isku xilqaamay, kuwaas oo lacago xad-dhaaf ah ka urursaday ganacsatada dalka qaarkood.
Dhalinyaradan oo isku magacawday AOA ayaa waxay sidoo kale shahaadooyin ay ku qiimeynayaan waxqabadka iyo wax-ku-oolnimada ganacsatada waxay ku bixiyeen goobihii ay carwooyinkaas ganacsigu ka qabsoomeen sannadihii 2011 iyo 2012, taas oo u muuqata inay si toos ah ula wareegeen shaqooyinkii rugta Ganacsigu dalka u haysay.
Rugta Ganacsiga Somaliland ayaan wax dareen ah oo ay arrintan kaga gilgilanayso muujinnin, waxaanay masuuliyiinta hay’addani ka mid ahaayeen martisharafta carwooyinkan, iyaga oo weliba la guddoonsiiyay shahaadooyinkii ay ahayd inay iyagu bixiyaan.
Lama garanayo waxa ay Rugta ganacsigu ku beddelatay shaqadeeda, iyada oo ilaha qaarna ay tibaaxayaan inuu jiro xidhiidh hoose oo madmadaw badani hadheeyay, kaas oo u dhexeeya madaxda rugta Ganacsiga iyo dhalinyarada Carwooyinka lacagaha ku gurta.
Rugta Ganacsiga ayaa waxay sidoo kale gudan kari weyday isku-xidhkii ganacsatada dalka iyo kuwa shisheeyaha, iyada oo intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay aanay wax hawlqabad ah ka muujinnin dhinacyadaas.
Sidoo kale diiwaanka xogaha ganacsiga ee dalka oo sannadkiiba mar soo bixi jiray ayaa waxa isagana soo-saaristiisii ugu dambaysay sannaddii 2008-da, wakhtigaas oo rugta Guddoomiye ka ahaa Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdiraxmaan Faarax Sugaal.
Si kastaba ha ahaatee, Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa tan iyo dhalashadii Xukuumadda Siilaanyo waxa soo food-saaray fadhiidnimo hor leh, iyada oo xil-gudasho la’aanteeduna sababtay in lacago aan sharci ahayn laga furto ganacsatadii ay ahayd inay xuquuqdooda ilaaliyaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net