SOMALILAND: Dood Cilmiyeed lagu Qabtay Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood

 

Laascaanood(SLpost) -Waxaa maanta lagu qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan doorka ay ku leeyihiin dhallinyaradu horumarka bulshada xarunta Jaamacadda Nugaal ee ku taalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

dood2

Dood-cilmiyeeddan oo ay soo qaban-qaabiyeen ardayda dhigata kulliyadda horumarinta bulshada ee jaamacadda Nugaal ayaa waxaa gacan ka gaystay guddiga horumarinta gobolka Sool ee Tala-wanaag waxaana kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee kulliyadaha jaamacada Nugaal.

Dooddan waxaa lagu lafa-guray aragtiyo badan oo dhallinyaradii kasoo qayb qaadatay kullankan ay soo jeediyeen, waxaana la is-weydaarsaday afkaar badan oo u muuqatay kuwa waxtar u leh bulshada gobolka.

Sidoo kale, dooddan ayaa waxay ahayd wajigii labaad ee ay soo bandhigaan ardayda dhigata kulliyadda horumarinta bulshada; iyadoo midkeedii koowaad la qabtay muddo todobaad laga joogo, waxaana kulankii hore lagu falanqeeyay dhibaatada tahriibtu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo koraya, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.dood3
dood1

Waxaa xusid mudan ee ugu dambayn doodan farta lagu fiiqay lana sheegay in ay kaallintoodii gabeen warbaahinta ka hawlgasha magaalada Laascaanood oo aan soo gudbin arrimaha horumarka bulshada sida ay xuseen dhallinyaradii ka qayb-qaadanaysay kullankan.

Ugu dambeyn, doodda ay ardayda ka qalin jabisay jaamacadda Nugaal soo bandhigeen iyo kuwa haatan dhigta kuliyadaheeda kuwa ka mid ah ayaa u muuqda kuwa wax-tar u yeelan kara mujtamaca deegaan mandaqadda iyo guud ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland.dood

Source:HOL

Somalilandpost, Hargiesa Office