SOMALILAND: Dib-u-Curashada Dhaq-dhaqaaqyada Tahriibta, Farsamooyinka Cusub ee Mukhalasiinta, Dhoy la’aanta Xukuumadda iyo Doodda Maamullada Gobollada

Warbixin Himilo ka diyaariyey Dhibaatada Tahriibta iyo Kooxaha ka Ganacsatada oo mar kale ka bilaabmay dalka

Hargeysa (SLpost)- Dhaq-dhaqaaqa tahriibka dhalinyarada iyo Kooxdo isku-xidhan oo u fududeeya inay dalka si qarsoodi ah uga saaraan, ayaa mar kale dib uga bilaabmay qaar ka mid ah gobollada dalka, ka dib markii hore loogu guulaystay in dalka laga xakameeyo kooxahaas oo si baahsan uga hawl-gali jiray dalka.

geliKooxaha Tahriibinta dhalinyarada ka ganacsada oo ah shabakad Isku-xidhan oo qawlaysato ah, si qarsoodi ahna uga hawl-gasha dalalka Somaliland, Itoobiya, Suudaan ilaa laga gaadhsiinayo waddanka Liibiya oo doonyo laga saaro dhalinyaro badan oo noloshooda ku biimeeya saxaaraaha iyo badweynta, ayaa hore loo hakiyey hawl-galladooda, ka dib markii ay xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya iska kaashadeen hawl-gallo gacanta lagu dhigay qaar badan oo ka mid ah shakhsiyaad u kala dhashay labada waddan.

Haseyeeshee, dib-u-curashada dhaq-dhaqaaqyada tahriibta oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyey si xawli ah uga bilaabmay dalka, ayaa kooxaha ka ganacsada oo hawl-galladooda gudaha dalka si weyn hore wax looga qabtay ka dib iskaashi dhexmaray dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, ayaa ku bilaabay farsamooyin cusub oo ay dhalinyarada dalka kaga saarayaan, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Laanta Socdaalka gobolka Gabiley oo fadhigiisu yahay magaalada Tog-wajaale.

Sida ay tibaaxeen xogo Himilo ka heshay Dhalinyaro ka tahriibtay dalka balse ku fashilmay inay sii wataan safarka ay u badheedheen, ka dib markii dib loogu soo gacan-geliyey dawladda Somaliland, Kooxaha ka ganacsada tahriibta oo hore loo xakameeyey hawl-galladooda gudaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa bilaabay inay adeegsadaan farsamooyin ka duwan sidii hore. “Waa tii xuduudka Itoobiya Xidhnaa. Waxa lanagu yidhi idinku kaalaya Wajaale qofbaa la idiin ballaaminayaaye oo telefoon baa lana siiyey. Markii aanu gaadhnay Wajaale, waxaanu garaacnay telefoonkii, dabadeed qofbaa naga qabtay. Qofkii naga qabtay Af-soomaaligaba muu garanayn, laakiin markii dambe waanu ishelnay oo wuxuu noqday nin Itoobiyaan ah, isagaa xadka na dhaafiyey, gaadhibuu na saaray ilaa Jijiga. Dabadeed Jigjigana gaadhi kale ayaanu ka raacnay ilaa Addis Ababa. Dadkii aanu arkaynayba Soomaalidu way ku yarayd oo Oromo iyo Xabashi bay ahaayeen,” sidaa waxa yidhi Mukhtaar oo ka mid ahaa dhalinyaro dhowaan dawladda Itoobiya u soo gacan-gelisay dawladda Somaliland, kuwaas oo laga soo qabtay xuduudka Itoobiya la wadaagto Suudaan.

Walaaca Waalid Ilmihiisu dhowr todobaad ka Maqan yahay

In kasta oo tahriibta dhalinyaradu saamayn xooggan ku yeeshay waalidiin tiro badan wixii ka horeeyey bishii shanaad ee sannadkan oo uu ku badnaa dhalinyarada, arrinta tahriibta ee soo-laba-kaclaysay, waxa ay taabatay qoysas hor leh oo aan hore u dhadhamin dhibaatada tahriibta, kuwaas oo carruurtoodu ka baxday dalka intii ka dambaysay dabayaaqada Bishii Ramadaan oo tahriibtu aad u xoogaystay.

Cabdilaahi Maxamuud Axmed waxa uu ka mid yahay waalidiinta arrintani saamaynta taban ku yeelatay, waxaanu qoyskoodu dhammaadkii bishii Ramadaan wiil dhalinyaro ah oo aanay ilaa wakhtigan ka war-haynin meesha uu ilaa wakhtigan ku sugan yahay.

“Inan dhalinyaro ah oo aan Abti u ahay, ayaa naga tahriibay. Maalintii Ciidda ku Xigtay ayuu Inanku ka baxay Gabiley, wuxuu waalidkiisa ku yidhi Hargeysaan tagayaa, markii habeenimadii la waayeyna, waanu ka shakinnay oo markiiba waalikii baa la xidhiidhay Wajaale maalintii labaad, dabadeedna hooyadii baa ka daba-tagtay ilaa Addis Ababa, laguma guulaysan in Inankii la soo qabto. Waxa la noo sheegay in laga qaaday Wajaale ilaa Jigjiga oo looga sii gudbiyey Addis Ababa oo taraansit lagu dhaafiyey. Waxa lanagu yidhi Wajaale nin Xabashi ahbaa ka kaxeeyey,” ayuu yidhi Cabdilaahi oo ka sheekaynayey qaabka uu wiilkani u tahriibay, waxaanu xukuumadda iyo hay’adaha amniga ugu baaqay inay ka hawl-gasho sidii loo baajin lahaa tahriibka dhalinyarada ee wakhtigan dib u bilaabmay.

Hay’adaha Ammaanka iyo La-dagaalanka Tahriibta

tahriib (3)Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee xaruntiisu tahay magaalada Tog-Wajaale ee xuduudka Somaliland la wadaagto Itoobiya, ayaa xaqiijiyey in tahriibta dhalinyaradu kor u kacay dhowrkii todobaad ee u dambeeyey, isla markaana ay ku guuleysteen inay gacan ku dhigaan boqolaal ka mid ah oo qaarkood dawladda Itoobiya u soo gacan-gelisay, kuwaas oo uu sheegay inay gacanta ka geliyeen waalidiintooda.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee magaalada Tog-wajaale Cabdirashiid Axmed Xasan oo Himilo wax ka weydiiyey arrimahan, waxa uu ku jawaabay, “Waana run oo way jirtaa bishii Ramadaan ama saddexdii todobaad ee u dambeeyey ay soo bateen dhalinyarada Somaliland ee tahriibaysaa, saddexdaas todobaadna waxaanu qabannay sagaashan dhalinyaro Somaliland ah, kuwaas oo badankoodana aanu waalidiniintooda ku wareejinnay.

Maalin dhawayd waxaanu dawladda Itoobiya ku wareeejinnay 42 Itoobiyaan ah oo ciidamada booliska gobolka Gabiley ka soo qabteen iyagoo sii lugaynaya tuulooyinka ku dhow Gabiley. Shalayna (Dorraad) waxaanu ku wareejinnay 20 Itoobiyaan ah oo laga soo qabtay Hargeysa iyo Gabiley dhexdeeda iyaga oo lugaynaya,” ayuu yidhi Taliye Cabdirashid.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Sidoo kale, todobaad ka hor iyaguna (Itoobiya), waxay nagu soo wareejiyeen 30 dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo laga soo qabtay xuduudka Itoobiya ee dhinaca Suudaan, markaa waanu is-weydaarsanaa tahriibayaasha labada dhinac isaga gudbaya, runtiina aad iyo aad ayaanu ula dagaalanna inay tahriibayaashu isaga gudbaan xuduudkan uu dhexeeya Somaliand iyo Itoobiya ee magaalada Tog-wajaale.”

Mar aanu weydiinnay qaabka ay ula dagaalamaan kooxaha ganacsiga ka dhigtay tahriibinta dhalinyarada, waxa uu ku jawaabay, “Cid kasta oo tahriibaysa ama wax tahriibinaysa waanu qabannaa oo waxaanu u gudbinaa saldhigyada booliska. Qolada wax tahriibisa, ha ahaado Mukhalas ama darawal, haddii lagu qabto, waxaanu horgeeynaa sharciga iyo Maxkamadaha,” ayuu yidhi Taliye Cabdirashiid Axmed Xasan.

Doodda Maamullada Gobollada

Ma jirto daraasad si rasmi ah loogu sameeyey tirada dhalinyarada dalka ka tabriibta iyo sidoo kale sida ay gobollada dalku ugu kala badan yihiin saamaynta dhibaatada tahriibtu ku yeelatay, haseyeeshee marka laga shidaal qaato aragtida bulshada, gobollada ugu badan ee arrintani saamaynta ku yeelatay, ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal.

tahriib (1)Waxaanu Isku daynay inaanu xidhiidh la samaynayo dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada dalka si aanu wax uga weydiinno doorka ay maamul ahaan ku leeyihiin xakamaynta tahriibta dhalinyarada iyo kaalinta ay u qaabilsan yihiin xukuumadda dhexe ballan-qaad ay hore ugu shaacisay la-dagaalanka tahriibta iyo shaqo-la’aanta haysata dhalinyarada. Haseyeeshee nooma suurta-gelin inaanu helno dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada, iyada oo qaarkood naga qaban-waayeen telefoonnaddooda gacanta, halka qaarkoodna xidhnaayeen wakhtiga aanu la xidhiidhnay, balse waxa noo suurto-gashay inaanu xog-warran ka helno qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha gobollada.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo Himilo ka weydiiyey qaabka u wejahaan la-dagaalanka tahriibta dhalinyarada, ayaa sheegay in aanay maamul ahaan lahayn awood ay ku xakamayn karaan tahriibta dhalinyarada balse waxa uu carrabaabay tallaabooyin beddelkeeda ay dhalinyarada kaga horjoodsadaan hiigsiga tahriibta.

“Dadku wacyi-gelin iyo in wax loo sheego ayey u baahan yihiin, qofkuna in rejo lagu abuuro ayuu u baahan yahay. Markii hore reer Burco, waxay maqli jireen Hargeysa uunbaa lagu qaataa dadka oo ay u doonan jireen (Shaqaalaha), immika laakiin dhowr shaqo oo soo baxay halkanaanu imtixaan kaga qaadnay oo waxaanu ku nidhi nin waliba waxa uu la soo baxo ayaad leedahay, markaa rejo ayaa gashay. Dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa ee wax bartay waxaanu ku dhiirri-gelinay inay furtaan meelo ay dadka wax ku baraan, immikana qaar meelo furtay way jiraan. Waxa kale oo aanu samaynay inaanu dhirri-gelino in wasaaradaha ku yaala gobolka sannad walba wax lagaga daro oo la shaqaaleysiiyo dhalinyarada,” ayuu yidhi Md Maxamed Muuse Diiriye.

Badhasaabka gobolka Togdheer waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Isaga oo waalidkii adduun leeyahay oo marka wax kale laga yimaaddo halkii uu hantida waalidkii ka ilaalin lahaa ama beer ha ahaato ama dhul ha ahaadee uu aayar iskaga dhaqaajiyo. Dhalinyaradeenna waxbaratay waxay kaga duwan yihiin adduunka, ma doonayo inuu shaqo kale qabto inuu xafiis fadhhiisto mooyaane, garan maayo shaqo intay imanayso beertiina ku tabac, Mushkiladdu halkaasay inaga haysataa. Markaa annagu maamul ahaan awood kale oo aanu wax ku tarno may haynee, waajibka na saarani waxa weeyi inaanu dhiirri-gelinno, inaanu hay’adaha dawladda ee gobolka uga qorsheyno in dhalinyarada la shaqaaleeyo iyo inay siyaabo kalena u shaqeystaan oo intooda wax haysataa meherado furtaan oo dalka ka shaqeystaan.”

Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye oo aanu weydiinnay qaabka ay maamul ahaan isaga kaashadaan hay’adaha amniga la-dagaalanka kooxa ka ganacsatada tahriibta dhalinyarada, waxa uu sheegay in aanay maamul ahaan ka qabin, meel gaar ah oo lagu yaqaanna ku sheegi karin kooxaha tahriibka dhalinyarada ka ganacsada. “Markay ugu yartahay gaadhiga Xadka ka tallaabinaya mooyaane, cid lagu sheego qoladaas oo gobolka ku sugan kama warhayno, laakiin waxaanu u hawl-galaynaa oo aanu ciidamada iska kaashan doonaa in tallaabo laga qaado, runtiina kuwaais in wax laga qabto ayay u baahan yihiin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil.

tahriib (2)Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa dhankiisa ku dooday in tahriibta dhalinyarada ku dhaqan gobolkaasi ay muddooyinkii u dambaysay u dhacday, balse ma faahfaahin sababaha uu u daliishaday hoos-u-dhaca tahriibta ee uu kaga dhawaajiyey, marka laga reebo wax-qabadyo wacyigelintu ka mid tahay oo ay dhalinyarada u sameeyaan.

Isaga oo arrimahan ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dhalinyarada gobolka ka tahriibi jiray immika waa nagu yartahay runtii oo wacyi fara badanbaan oo maamul ahaan aanu u dhannahay ayaa loo sameeyey iyo inaanu qaarkood meelayno, ayaanu u qorsheynay, annaga oo kaashanayna hay’adaha gobolka ka hawl-gala.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo la weydiiyey inay maamul ahaan ka war-hayaan Kooxo dhalinyarada tahriibintooda ka ganacsada oo gobolka ku sugan, waxa uu ku jawaabay, “Gaadiidkaas Wajaale laga soo saaro tahriibayaasha Itoobiyaanka ah mooyaane, anigu kama war-hayo koox abaabulan oo meel joogta oo ka faa’idaysata ka-ganacsiga tahriibta,” ayuu yidhi Md Fahmi Bidaar.

Haseyeeshee waxa uu guddoomiyaha gobolku daboolka ka qaaday dhibaato maamul ahaan ka haysata in gobolkaasi marin u noqday tahriibayaal ajaanib ah oo dalka ku sii dhexmara inay magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland doonyo uga raacaan waddamada Khaliijka Carabta gaar ahaan dalka Yemen.

“Halkani (Berbera) jid bay ku taalaa, dekedina way ku taalaa. Xagga dekedda, laakiin xagga dekedda taasi way naga go’aday oo aanu ka adkaanay wixii tahriib ahaa, laakiin mushkiladda noogu badani waxa weeyi tahriibta dadka Itoobiyaanka ah. Markaanu Kantaroollada ku qabnno, waxaanu dib ugu celinaa oo gacanta ka gelinnaa Laanta Socdaalka, dabadeedna Xadkaa laga tallaabiyaa. Laakiin, halkaa markaanu cidhiidhi ka galinay, waxa la sameeyey oo farsamadii lagu beddelay oo ay keeneen inay Lug ku soo baxaan dadka Itoobiyaanka ahi oo haddii loo fiirsado Laamidaa dheer ee Hargeysa ka timaadda, waxay u socdaan waxaynaan shuqul ku lahayn, taasna waanu ka hor-tagnaa oo marka la noo soo sheego intaanu ka hortagno, ayaanu ururinnaa oo dib ugu celinaa, markaa mushkiladda ugu weyni halkaasay naga haysataa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

Dhawaaqa Dalladda Dhalinyarada SONYO

Hoggaanka daladda heer qaran ee ay ku midaysan yihiin Ururrada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa qirtay in tahriibtu ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee wakhtigan ku gedaaman musqbalka dhalinyarada Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed SONYO kula dabbaal-degtay da’yarta Somaliland xuska munaasibadda maalinta dhalinyarada adduunka oo ku beegnayd 12-kii Bishan August.

Mubaarik Taani SONYO“Dhallinyarada JSL waxa kale oo ay la tiicaysaa shaqo la’aan baahsan oo ka jirta dalka. Waxa wakhti xaadirkan jira shaqo la’aan baahsan iyo tahriibka dhallinayarada oo aad u sarreeya. Sida ku cad warbixintii Dhallinyarada Adduunka ee Qaramada Midoobay, 40 milyan oo dhallinyaro tahriibayaal ah oo da’doodu u dhaxayso 20 jir ilaa 29 jir ayaa heehaabaya adduunka maanta iyaga oo u dhibaataysan rumaynta riyooyin dhalanteed ah oo ay kala soo kicitimaan dalalkoodii. 40-kaas milyan ee dhallinyarada ah ee tahriibaysa, waxa ka mid ah tiro badan oo dhallinyaro reer Somaliland ah, oo qaada marino khatar badan nolol ahaan, ama dulli badan sharaf ahaan. Arrin ugub ku ah dalkan, una baahan si wada jir ah loola tacaalo,” sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka daladda oo uu u saxeexnaa guddoomiyaha SONYO, Mubaarig Ismaaciil Taani.

Dhalinyaro Dhadhamisay Dhibaatada Tahriibta

Dawladda Itoobiya, ayaa laba todobaad ka hor laanta Socdaalka Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Tog-wajaale ku soo wareejisay tahriibayaal dhalinyaro u badan oo laga soo qabtay xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan, kuwaas oo qaarkood warbaahinta kula hadleen xafiiska laanta socdaalka degmada Tog-wajaale.

Dhalinyaradani waxa ay ka sheekeeyeen dhibaatada ka soo gaadhay intii ay gudo-jireen safarkooda, ka hor intii aanay ciidamada ilaalada Xuduudaha Itoobiya gacanta ku dhigin.

tahriib (1)“Dhalinyarada reer Somaliland waxaan u sheegaynaa inaanay dalkooda ka tegin oo aanay naftooda ku haligin dariiqaas dhibta badan. Annagu intii aanu dhexda ku sii jirnay waxaan la kulanay dhib badan, waxaanu is-dilnay dad cawaan ah oo qaar naga mid ah waxyeelo badan ayaa soo gaadhay,”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Dhalinyarada tahriibta laga soo celiyay.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer ka wada hadlay sidii loo xakameyn lahaa dhalinyarada tahriibaya ee isaga gudbaya xadka labada dal, isla markaana ka safraya dhinaca Somaliland.

Gunaanad

In kasta oo dhalinyarada dalkooda ka haajiraysaa ku doodaan in shaqo la’aantu ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee ay sababta u ah inay nolol ka duwan ka raadsadana waddamada Yurub, haddana xukuumadda Somaliland ee madaxweyne Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay, ayaa ballan-qaadyo tiro badan ku sheegtay inay shaqo-abuur u samaynayaan dhalinyarada iyaga oo kaashanaya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo waddamada ka taageera dhinaca horumarinta. Waxaana sida ku xusan warbixinno laga diyaariyey wax-qabadkeeda muddadii ay xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, ay xukuumaddu qaadatay shaqaale kumanaan gaadhaya oo dhalinyaro u badan, halka shaqaalihii hore ee dawladdana loo kordhiyey mushaharkii ay qaadanayeen.

tahriib (2)Iyada oo aanu jirin tiro koob rasmi ah oo laga sameeyey tahriibta, hadana waxa la qiyaasaa in dadka reer Somaliland ee sanadkii 2013-kii tahriibay tiradoodu kor u dhaafayso kumanaan dhalinyaro u badan oo isugu jira Haween iyo rag ka mid ah xooggii dalka u soo kacayay, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi Silic iyo saxariir badan kala kulmeen jidka, qaarna naftooda ku waayeen badda iyo Saxaraha Liibiya.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa sanad kasta u tahriiba Yurub, iyagoo beegsada safar halis badan oo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan, waxaanay qaar ka mid ahi silic ugu dhintaan badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub ama saxaaraha u dhexeeya Suudan iyo Liibiya.

XIGASHO: Wargeyska Himilo