SOMALILAND: Dhayalsiga iyo Dheef-Ka-Bidka Xukuumadda ee Halista Coronavirus Khatar intee Leeg Buu Ku Yeelan Karaa Bulshada? – FAALLO

 

Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa Axadda 29-ka March 2020 shaaciyey korodhka tirada Dadka Dalalkooda ee laga helay Cudurka sida xawliga ah ugu faafay Dunida ee Corona-virus Covid-19, iyadoo Waddamadaasi ay Xad furan la leeyihiin Somaliland oo iyadu weli aan hal kiis oo xanuunkaas ah shaacin, warar sheegay in Dad laga helayna ay Masuuliyiinta Dowladdu beeniyeen maanta.

Saamaynta Xanuunka:

Xanuunka Covid-19 oo Dalka Shiinaha ka dillaacay dabayaaqada 2019-kii, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan caalamka, kaas oo xidhay isu-socodka inta badan dunida, Shaqooyinka Dowladaha iyo kuwa gaarka ah ee Caalamka intooda badan, ka dib markii ay dowlad waliba xidhay Xuduudeheeda, Cirka, Dhulka iyo Badda.

Waxay sidoo kale, Dowladaha Caalamku Dadkooda ku amreen inay guryohooda fadhiyaan oo aanay dibedda u soo bixin muddooyin toddobaadyo ah. Waxay Dadka fareen inta suuragalka ah inay guryohooda hab online ah kaga shaqeeyaan, si loo yareeyo faafitaanka Caabuqan qumbuladda ku noqday Dunida oo idil, Dal uu gaadhay iyo mid aanu gaadhinba, iyadoo dal weliba Cusbitaallo iyo goobo Karantiin ah u diyaariyey Dadka xanuunku ku dhacay, isla markaana waxaa cidla isu rogay Suuqyadii camirnaan jiray ee badi dalalka dunida, markii la xidhay goobihii la isugu iman jiray oo xataa meelaha qaar ay goobaha Cibaadadu xidhan yihiin. Waxa sidoo kale cidloobay Waddooyinkii Cirka, Dhulka iyo Badda marka laga tago socdaallada lagama maarmaanka ah ee gurmaddada caafimaadku ka midka yihiin.

Haddaba, iyadoo ay sidaas tahay, ayeynu Falanqayntan ku eegaynaa marka Dunida kale laga yimaaddo heerka uu Cudurka ka marayo Dalalka Somaliland la deriska ah ammaba ay Xuduudaha furan wadaagaan.

Djibouti:

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa caddaysay in Afar Qof oo cusub laga helay Cudurka Corona-virus Covid-19, kuwaas oo tirada Dadka xanuunkaa laga helay Jabuuti ka dhigaya 18 Ruux. Afartaas Qof, ayaa marayey marka xanuunka laga helay magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla Xadka Dalalka Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan, isla markaana ka gudbayey dhinaca Somaliland, sida uu Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Warbaahinta dowladda Jabuuti u sheegay Axaddii maanta.

Afartan Qof ee laga helay Cudurka Covid-19 oo Reer Jabuuti ah, ayaa intii ay Jabuuti xidhay Xuduudeheeda Cirka, Dhulka iyo Baddaba, ka dib waxay Dalka Itoobiya ka soo raaceen Diyaaradda Ethiopian Airlines, taas oo keentay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay ku hakadeen wakhti aan la shaacin, isla markaana waxay gaadhi ka raaceen Hargeysa si ay Jabuuti dhinaca dhulka uga galaan.

Hase-yeeshee, waxa laga helay xanuunka markii lagu baadhay goobaha Hawl-wadeennada Caafimaadka la dhigay ee Kidinka laga galo Xadka Jabuuti ee Lawyo-caddo, waxaanu Wasiirka Caafimaadku sheegay in lagu karantiimeeyey afartaa Qof goobaha ay Dowladda Jabuuti uga diyaarisay Xadka ay Somaliland la wadaagto ee Lawyocaddo, balse Somaliland dhinaceeda weli wax war ah kamay soo saarin afartaas Qof ee Jabuuti sheegtay inay Hargeysa soo mareen ee xanuunka laga helay.

Ethiopia:

Dowladda Itoobiya, ayaa iyaduna Axadda Maanta shaacisay inay saddex qof oo cusub ka heshay Xanuunka Covid-19, kuwaas oo laba ka mid ahi ku nool yihiin magaalada Adama ee gobolka Ismaamulka Oromada Itoobiya, Saddexdaas Qof oo ay Dowladda Itoobiya sheegtay in Tirada Dadka qaba Cudurka ee Dalkeeda ka dhigayaan 19 Ruux.

Somalia:

Dowladda Soomaaliya, ayaa iyaduna Sheegtay maalmo ka hor inay qofkii saddexaad ka heshay Cudurka Corona-virus Covid-19, iyadoo mid ka mid ahi yahay Qof ahaanib ah oo xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho ka shaqaynayey, halka labada kale yihiin Muwaaddiniin Soomaaliyeed oo dalka dibeddiisa ka soo laabtay, isla markaana lagu hayo Karantiin ku yaalla duleedka Muqdisho.

Somaliland:

Inkasta oo aanay Somaliland haysan qalabka caafimaad ee lagu baadhi karo Dadka qaba Cudurka Covid-19, marka laga tago Mishiinka yar ee gacanta ee lagu cabbiro heer-kulka Xummadaha Dadka, haddana ma jiro hal Qof oo ay dowladdu shaacisay inuu Xanuunkaasi hayo amma laga helay.

Waxaa xusid mudan in ay weli furan yihiin Xuduudaha Cirka iyo Dhulka ee Somaliland, isla markaana aanay jirin Karantiin ay dowladdu u samaysay Dadka dhinacyada Cirka iyo Dhulka ka soo galaya, isaga oo Dalku Xuduud la wadaaga Waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo Kiisaska caabuqaas Dadka laga helay shaacinayey labadan toddobaad ee u dambeeyey.

Inkasta oo ay jiraan amarro ay dowladdu sheegtay inay ku joojisay Duullimaadyada Hawada iyo Gaadiidka Dhulka ee ka soo gudbaya Xuduudaha Somaliland, haddana maaha kuwo ku dhaqankooda ay Xukuumadda Somaliland fulisay, marka laga yimaaddo in goobaha Waxbarashada fasax lagaga jiro tan iyo markii ay amartay in laga bilaabo 19-kii March la fasaxo Ardayda kaas oo si rasmi ah uga hirgalay goobaha kala duwan ee waxbarashada dalka.

Hase-yeeshee, Dowladda Somaliland waxay diidday inay joojiso Diyaaradda Itoobiya oo si toos ah u timaadda Madaarka Hargeysa iyo sidoo kale Ganacsiyada iyo Dadka ka imanaya dhinaca Itoobiya, iyadoo ay si joogto ah Somaliland u yimaaddaan Qaadka, Qudaarta kala duwan, Caanaha, Malabka iyo Xoolaha ka yimaadda dhinaca Dalka Itoobiya oo aanay haba-yaraatee Somaliland joojin, halka ay labadii maalmood ee u dambeeyeyna si caadi ah Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka u tagayeen Dhawr Boqol oo Arday oo Deeq waxbarasho oo Somaliland sannadkii hore Itoobiya ka heshay ka dhiganayey Jaamacadaha Dalka Itoobiya, kuwaas oo markii Jaamacadaha Dowladdaasi xidhay Corona-virus awgii ay dib ugu soo celisay Somaliland, isla markaana labadii maalmood ee ugu dambeeyeyba lagu qaabbilayey Xadka Wajaale, una soo gudbayey gudaha Dalka.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyey Somaliland.

Dowladda Somaliland waxay iska dhego-marisay Baaqyada qaybaha Bulshada, Xisbiyada Mucaaradka iyo Wax-garadka Dalka, kuwaas oo la xidhiidha inay joojiso Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo sidoo kale Qaadka ka imanaya Itoobiya ee Somaliland sida joogta ah caadi ugu yimaadda, waxaanay Dadka qaarkood ku eedaynayaan inay nolosha Dadka ka door-bidayso kharashaadka Cashuurta ah ee Qaadka ay ka qaaddo Dowladda Somaliland, halka sidoo kale, ay Dadka qaar ku eedeeyeen sababta loo joojin waayey Diyaaradda Itoobiya inay la xidhiidho Xubno ka tirsan Qoyska Madaxtooyada oo ay tilmaameen inay Wakiillo u yihiin Diyaaraddaas.

Maxaa Ka beenoobay Somaliland?

Waxa Hal Bacaad lagu lisay noqday oo Xukuumadda Somaliland ku beenoobay inay samaysay goobo ay ku karantiimayso Dadka ka imanaya Dalka dibeddiisa, taas oo ay Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee sannadkan 2020-ka oo Cudurka Corona-virus Covid-19 ka jiray amma ku koobnaa Dalka Shiinaha oo Ganacsiyo badani Somaliland uga yimaaddaan, Dad badanina isaga gooshaan ay Wasaaradda Caafimaadku sheegtay inay guryo gaar ah u qorshaysay Karantiinka Dadka Shiinaha ka imanaya, taas oo meesha ka baxday, markii Dad duullimaadyo is-xigxigay oo toddobaadkii hore ka soo degay Hargeysa ay si qasab ah u geysay Huteellada magaalada qaarkood, kuwo kalena markii ay ka diideen ay Masuuliyiintoodii xidh-xidhay, sida Sky Huteel iyo kuwo kale, iyada oo Dadka ay karantiinka gelinaysana ku amartay inay si iskood ah isag bixiyaan Kharashka ku baxaya 14-ka cisho ee ay karantiinka ku jirayaan, taas oo ay Dadka Rakaabka ahaa ee Huteellada qaar la geeyey Warbaahinta u sheegeen inaanay awoodin bixinta Konton Doollar halkii habeenba, taasoo la sheegay in dowladdu Huteellada qaar ballan-qaad ah inay lacagtaa bixinayso u samaysay, iyadoo weli ay soo qulqulayaan Muwaaddiniinta Reer Somaliland ee Qurbaha ka soo laabanaya, iyagoo ka ordaya xanuunka ku faafay waddamada ay degganaayeen.

Halista ka Jirta Somaliland:

Iyadoo Cudurkan Dalka Shiina ka bilaabmay dabayaaqada sannadkii 2019 uu si xawli ah ugu fiday Adduunka intiisa badan, isla markaana cabsi badan laga qabo halistiisa, asiibayna Dad ku dhaw Toddoba Boqol oo Kun Dunida, halka ay u dhinteen dhawr iyo soddon kun oo Ruux, ayey Dadka Reer Somaliland halis badan ugu jiraan in xanuunkaasi qaab aan laga fikirin ugu faafo Illaahay haka hayee, maaddaama oo aanu jirin kaantarroolkii iyo taxaddirkii Dowladda looga baahnaa, isla markaana ay ka muuqdaan dhayalsi iyo dheef ka bidka khataraha jira ee xanuunka Covid-19 ku saabsan.

Maxaa looga baahan yahay Dowladda Somaliland?

Dowladda Somaliland, waxaa looga baahan yahay inay masuuliyad iska saarto Shacabka Illaahay Hoggaanka uga dhigay ee Masuuliyaddu ka saaran tahay ilaalintooda iyo hagitaankooda-ba. Si ay taas u gudato, waxa waajib ku ah inay qaaddo tallaabooyin ay dhinaca saxda ah u qaaddo oo Illaahay innooma keenee kaga hortegayso cudurkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

  • Xidhis run ah oo ay ku sameyso Xuduudeheeda Cirka, Dhulka iyo Badda, marka laga tago wixii daruuri amma lama dhaafaan ah.
  • Joojinta Qaadka iyo waxyaabaha kale ee uga yimaadda Dalka Itoobiya ee uu Qaadku ugu horreeyo.
  • Raadinta Qalabka lagu baadho, laguna ogaado Cidda qabta Covid-19 iyo samaynta baadhitaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo Xaaladda Dadka Xanuunku ku dhaco.
  • Samaynta goobo gaar ah oo lagu karantiimeeyo Dadka Cudurka looga shakiyo inta xaaladdooda laga xaqiijinayo.
  • Diyaarinta goobo Cusbitaallo ah oo lagula tacaalo Dadka Xanuunku ku dhaco haddiiba uu Dalka soo gaadho.
  • La socod rasmi ah oo ay samayso, isla markaana ku xaddidayso qiimaha Ascaarta kala duwan ee Muceeshadda, Dawooyinka iyo wixii kale eel agama maarmaanka ah, si aanay bulshada ugu qaaliyoobin, una gaadhin heer aan Shacabka Danyarta u badani goon karin.
  • Run u sheegidda Shacabkeeda, si aan Bulshadu u marin-habaabin.
  • Fasaxa Shaqaalaha dowladda iyo koobista dhaqdhaqaaqyada Suuqa.

Qodobbadaas iyo kuwo kale oo muhiim ah, ayaa waajib ku ah Dowladda Somaliland, haddii aanay sidaasi dhicin waxaa iman karta halis soo food-saarta Dalka iyo Dadka oo aan awood badan oo dhaqaale iyo dowladnimo dunidu aqoonsantay midna haysan wakhtigan. Marka ay tallaabooyinkaas dowladdu hirgeliso, waxa sahlanaanaya soo gudbidda iyo inuu dalka ku dhex faafo Xanuunkaasi.

 

Xigasho: AftahanNews